Ten Hag Oo Axadda Loo Diiwaangelinayo Rikoodh Uu Uga Horreeyey Jose Mourinho


Manchester United ayaa ku dhowaan doonta kaalinta afraad ee Premier League, waxaanay soo yarayn doontaa farqiga dhibcaha laga horreeyo haddii ay guul ka keenaan ciyaarta Luton Town ee usbuuca soo socda.

Red Devils ayaa sidoo kale dhigi doonta rikoodh cajiib ah, waxaana uu Erik ten Hag barbarrayn doonaa rikoodh kali u ahaa Jose Mourinho haddii ay saddex dhibcood kasoo qaataan Kenilworth Road oo ay u tahay markii ugu horreysay ee ay booqdaan muddo 32 sannadood ah.

Manchester United algama badinin tan iyo bilowgii sannadkan csuub ee 2024, waxaanay hore usoo garaaceen Wolves iyo Aston Villa, waxaanay hadda shan dhibcood u jiraan Tottenham oo kaalinta afraad ku jirta.

12kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay la dheshay Luton Town wax guul-darro ah ma aanay arag, waxaana markii iskugu dambaysay ee ay ku kulmeen Kenilworth Road oo ahayd 1987kii ay ku adkaadeen 2-1.

Erik ten Hag ayaa guulo kasoo hooyey sagaalkii ciyaarood ee ay kooxdiisu la dheeshay naadiyada yaryar ee heerka labaad kasoo dallacay. waxaana haddii uu ciyaarta Luton guul soo gaadho uu noqon doonaa tababarihii ugu horreeyey taariikhda Premier League ee dhamaantood garaaca kooxaha ku cusub horyaalka.

Laba tababare oo kaliya ayaa hore u sameeyey rikoodhka ka badan guulood oo ay ka keeneen kooxaha heerka labaad kasoo dallacay, waana Jose Mourinho oo isagu 15 jeer ka adkaaday kooxaha heerka labaad ka yimid iyo Roberto Mancini oo 12 jeer ka adkaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*