“Haddii La Ii Keeni Lahaa Labadooda, Waxaanu Qabsan Lahayn Premier League” – Premier League Oo Magacaabay LABADII Saxeex Ee Uu Ka Dalbaday Chelsea Ee Uu Ku Qabsan Lahaa Premier League


Antonio Conte ayaa daboolka ka qaaday labadii ciyaartoy ee uu ka dalbaday maamulka Chelsea sannadkii 2017, kuwaas oo haddii uu heli lahaa ay sannado badan ka talin lahaayeen horyaalka Premier League oo ay si xidhiidh ah ugu guuleysan lahaayeen.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii koowaad iyadoo 13 ciyaarood oo xidhiidh ahaa guulo kasoo hooyey kulamadoodii horyaalka Premier League, laakiin xilli-ciyaareedkii dambe ayay guulahoodu hoos u dhaceen oo ay kaliya qaadeen FA Cup, halka ay horyaalkana kaalinta shanaad kaga dhamaysteen.

Maamulka Chelsea ayaa go’aansaday inay shaqada ka caydhiyaan Antonio Conte, balse waxa uu tababaraha Talyaanigu tilmaamay labadii ciyaartoy ee uu magacyadooda miiska u saaray Roman Abramovich.

Waqtigaas, waxa uu Antonio Conte dalbaday in loo keeno Virgil van Dijk oo u ciyaarayey Southampton iyo Romelu Lukaku, laakiin waxa beddelkiisa loo keenay Antonio Rudiger, halka Van Dijk ay Liverpool ku iibsatay £75 milyan oo Gini.

Lukaku oo waqtigaas u ciyaarayay Everton ayaa isagana iibsatay Manchester United, halka Chelsea ay Real Madrid £58 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Alvaro Morata oo 47 ciyaarood oo uu u saftay u dhaliyey 16 gool.

Antonio Conte oo waraysi bixiyey ayaa yidhi: “Aniga taariikhdayda ayaa muujinaysa, in kooxaha aan tegayo ay marka horeba kusii jiraan dhibaatooyin, mar walbana aniga ayaa dhisa. Kaddib xilli-ciyaareedkaygii koowaad ee Chelsea oo aanu ku guuleysanay horyaalka, annaga ayaa sii maamuli lahayn kubadda cagta Ingiriiska haddii aan heli lahaa labada ciyaartoy ee aan la hadlay ee Lukaku iyo Van Dijk oo muhiim noo noqon lahaa, isbeddelna ku samayn lahaa xaaladda kooxda.”

Waxa kale oo uu sheegay in uu dibu-dhis ku sameeyey Tottenham waqtigii koobnaa ee uu tababaraha u ahaa, isla markaana laga eryey isaga oo meel fiican marinaya dhismaha kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*