Masuuliyiin Real Madrid Oo Ah Oo Loo Diray Inay Daawadaan Ciyaartii PSG vs Real Sociedad Ee Xalay


Masuuliyiin ka tirsan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa u safray magaalada Paris oo xalay kusoo daawaday ciyaartii Paris Saint-Germain ay 2-0 ku garaacday Real Sociedad.

PSG ayaa waxa ay guul muhiim ah gaadhay lugta hore ee wareegga 16ka Champions League, waxaana goolka koowaad u dhaliyey Kylian Mbappe oo bartilmaameed u ah Real Madrid daqiiqaddii 58aad, iyadoo waqti dambena uu Barcola keenay goolka labaad.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, masuuliyiinta Real Madrid ayaa waxa ay ciyaartaas ay daraasaynayeen qaab ciyaareedka Kylian Mbappe oo la sheegay inay xagaaga la saxeexan doonaan.

Los Blancos ayaa la rumaysan yahay in ay heshiis hordhac ah lasii gaadhay Kylian Mbappe oo ay siin doonto €70 milyan oo Euro oo xaqal-qalin ah iyo mushahar dhan €15 milyan oo Euro, hase yeeshee waxa soo baxaya warar sheegaya in ay maalmihii ugu dambeeyey ay dhinacyadu yara kala fogaadeen.

Waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin mushaharka uu laacibkani dalbanayo oo aad uga badan inta ay Real Madrid u bandhigtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*