Xiddiga Ay Isku Haystaan Arsenal, Liverpool & Man United, Saxeexa Weyn Ee Barcelona Ay Shiishka Ku Hayso, Tababare Weyn Oo Laga Eryayo Premier League Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Wolves waxay ogolaatay inay iibiso garabka weerarka Portugal ee Pedro Neto xagaaga soo socda, si ay sare ugu qaaddo faa’iidadeeda, sababtoo ah waxay ka baqaysaa in ay jabiso sharciga dhaqaalaha. Liverpool, Arsenal, Tottenham iyo Man United ayaa dhamaantood doonaya 23 jirkan. (Sun)

Manchester United waxay rajaynaysaa in ay heshiis buuxa la gaadho agaasimaha ciyaaraha Newcastle United ee Dani Ashworth, isla markaana usbuuca soo socda lagu dhawaaqo magacaabistiisa. (Mail)

Red Devils waxay sidoo kale doonaysaa garabka weerarka Crystal Palace ee Michael Olise iyo difaaca reer Brazil ee Glesion Bremen oo ah 26 jir u ciyaara Juventus. (Calciomercato)

Barcelona ayaa bartilmaameedkeeda ugu weyn ee suuqa xagaaga waxa ay ka dhigatay khadka dhexe ee Everton iyo Belgium ee Amadou Onana oo 22 jir ah. (Fichajes)

Tababarihii hore ee Chelsea ee Graham Potter ayaa loo magacaabayaa macallinka cusub ee West Ham United oo la filayo in dhamaadka xilli ciyaareedkan uu ka tago David Moyes. (Telegraph)

Tababaraha ruug-caddaaga ah ee Roy Hodgson ayaa laga caydhinayaa kooxda horyaalka Premier League ee Crystal Palace, waxaana beddelkiisa ay u calaamadsadeen Oliver Glasner oo hore macallin ugu ahaa Eintrachft Frankfurt. (Guardian)

Khadka dhexe ee reer Brazil ee Lucas Paqueta oo 26 jir ah, ayaa waxa doonaysa Manchester City oo aan wali ka hadhin damaceeda. (Football Insider)

Manchester City iyo Liverpool waxay ka mid yihiin dhawr kooxood oo doonaya 21 jirka khadka dhexe uga ciyaara Shakhtar Donetsk ee Georgiy Sudakov oo u dhashay waddanka Ukraine. (Calciomercato)

Barcelona waxay si dhow ula socotraa weeraryahannadda Manchester City ee Lauren Hemp oo ah 23 jir xagaagan xor ka noqonaysa kooxda haweenka ee Man City. (Standard)

Barca ayaa ku xidhay Manchester United iyo Chelsea inay bixiyaan £85 milyan oo Gini haddii ay doonayaan inay la saxeexdaan khadka dhexe ee reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo 25 jir ah. (Mundo Deportivo)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*