DEG-DEG: Finalka Carabao Cup Ee Chelsea Iyo Tirada Kulamada Uu Seegayo Trent Alexander-Arnold Oo La Shaaciyey


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayuu usoo yeedhay war ka nixiyey oo ku saabsan dhaawaca difaacooda midig ee Trent Alexander-Arnold oo ka maqnaan doona ciyaarta finalka Carabao Cup ee Chelsea kaddib markii garoonka laga saaray ciyaartii Burnley ee usbuucan horraantiisii.

Alexander-Arnold ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaadhay jilibka, waxaana la beddelay waqtigii nasashada iyadoo tababare Jurgen Klopp uu keenay Harvey Elliott.

Sawirro laga qaaday jilibka laacibkan oo ay jugo kala duwan ku dhaceen, ayaa waxa ay muujiyeen in uu muddo ka maqnaan doono garoomada, isla markaana aanu qayb k anoqon doonin safka tababare Jurgen Klopp ciyaarta Wembley Stadium ee February 25 ee ay Liverpool ku xaqiijisan karayso koobkoodii koowaad ee xilli-ciyaareedkan.

Alexander-Arnold ayaa sidoo kale ka maqnaan doona kulamada horyaalka Premier League ee Brentford iyo Luton Town oo kasoo horreeya ciyaarta finalka Carabao Cup ee Chelsea, taas oo fursad uu isku muujiyo u noqon doonta Conor Bradley oo hore dhawr ciyaarood oo uu Alexander-Arnold maqnaa bandhig fiican uga sameeyey.

Bishii January ayuu Alexander-Arnold dhaawacii koowaad kasoo gaadhay jilibka iyagoo la ciyaaraya Borunemouth, waxaase uu garoomada kusoo laabtay ciyaartii Chelsea oo uu 22 daqiiqadood oo dhamaadkii ah soo galay ciyaarta, halka uu 58 daqiiqadood dheelay ciyaartii Arsenal ay 3-1 ku garaacday Liverpool.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa waxa usoo noqday xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo muddo bil iyo badh ah kaga maqnaa tartanka qaramada Afrika iyo dhaawac uga dambeeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*