Xiddig Ay Kooxo Badan Raadinayeen Oo Lagu Xukumay ‘LIX Sannadood’ Oo Jeel Ah


Lix sannadood ayuu ku jiri doonaa jeelka, kaddib muddo uu hore usii xidhnaa oo ay socotay dacwad nooceedu ku cusub yahay ciyaartoyda oo ahaa fal ka baxsan anshaxa iyo hab-dhaqanka wanaagsan, kaas oo keenay in ay sidaas ku burburto xirfaddiisii iyo waayihiisii ciyaareed.

Xiddiga uu xukunku ku dhacay waa Quincy Promes oo isaga oo ciyaartoy ah oo wacdaro ka dhiga garoomada lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Antwerp ee waddanka Belgium bishii January ee sannadkii 2020. Booliska ayaa waxa ay waqtigaas sheegeen in Quincy Promes uu sitay 1,350 kiiloo oo xashiishad ama daroogada Cocaine ah, taas oo layaab ku noqotay adduunyada.

Quincy Promes ayaa waxa uu xambaarsanaa laba shandadood oo mid ay ku jireen 650 kiilo iyo midda labaad oo ay ku jireen 713 kiilo.

32 jirkan oo waqtigaas ku jiray da’dii ugu fiicnayd ee kubadda cagta, ayaa waxa daroogadan looga soo diray waddanka Brazil iyadoo lagu soo dhax-qariyey markab, isaguna waxa uu usii gudbinayey meelo kale oo lagu iibinayey, waxaana marka hore ay ku kala jirtay laba koontiinar.

Sida uu qoray wargeyska NOS ee kasoo baxa waddanka Netherlands, Quincy Promes ayaa lagu xukumay lix sannadood oo xidhig ah, iyadoo qandaraaskiisiina ay burburisay kooxdiisu isla markii xabsiga loo taxaabay.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay, in Quincy Promes uu u malaynayey in aan la taaban karin oo uu isagu awood u leeyahayinuu u safriyo daroogada meelo kala duwan, waxaana uu ku waday waddanka Ruushka iyo meelo kale.

Quincy Promes oo ku dhashay magaalada Amsterdam ee waddanka Netherlands, waxa uu mar xuddun u ahaa damaca kooxaha waaweyn, waxaana doonayey inay la saxeexdaan Manchester United, Chelsea iyo naadiyo kale.

Xulka qaranka Netherlands ayuu u saftay 50 ciyaarood oo uu u dhaliyey toddoba gool

Waxa uu waayihiisa ciyaareed kasoo bilaabay kooxda FC Twente, ka hor intii aanu tegin Ajax, waxaana uu sidoo kale afar sannadood u dheelay Spartak Moscow ka hor intii aanu tegin Sevilla.

From there, he spent a season-and-a-half with Ajax before returning to Spartak.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*