Waa Maxay Sababta Ay Real Madrid Ku Nacday Ciyaartoyda Reer Argentina Ee Ay Ula Saxeexan Weydo?


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayay u buuxsameen toban sannadood oo safkeeda aanu ku jirin hal ciyaartoy oo u dhashay waddanka Argentina, waxaana waddanka Spain ka taagan dood ku saabsan sababta naadigan looga waayey ciyaartooyo kasoo jeeda waddanka hibada u leh inuu soo saaro xiddigaha ugu wanaagsan adduunyada.

Real Madrid oo lagu xasuusto xiddigo waaweyn, sida Redondo, Valdano iyo Di Stefano, ayaa waxa ugu dambeeyey ciyaartoy reer Argentina ah oo u dheela laacibka hadda ku laabtay Benfica ee Angel di Maria oo sannadkii 2014 ay ka iibiyeen Manchester United, kaddibna usii dhaafay PSG iyo Juventus.

Oscar Ruggeri oo u ciyaari jiray Real Madrid dhamaadka sannadihii 1980-meeyadii ayaa su’aal ka keenay sababta uu Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez u keeni waayey kooxda ciyaartooyo kasoo jeeda waddankiisa Argentina, isla markaana maanta ay kooxda ugu buuxsameen toban sannadood oo ay ka dhaarsanayd ciyaartooyo kasoo jeeda dalkaas.

Óscar Ruggeri oo hal xilli-ciyaareed oo kaliya joogay Santiago Bernabeu laakiin kula guuleystay horyaalka isla xilli-ciyaareedkaas oo ahaa 1989/90, ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu ku yidhi: “Ma waxa jira waxyaabo ay ku kala duwan yihiin ciyaartoydo oo salka ku haya waddamadooda? Anigu ma garanayo inay jirto arrintaasi.”

Marka la eego xaaladdan, waxa aynu dib ugu noqonaynaa waqtiyo hore oo adigaagan warbixinta akhriyaya laga yaabo in aad yarayd. Waa sannadkii 2010 markii ugu dambaysay ee ay Real Madrid la saxeexato ciyaartoy reer Argentina ah, waxaanu ahaa Angel di Maria. Kuma jiro xisaabta da’yarka Nico Paz ee ku dhashay Canary Islands ee kooxda da’yarta ku jira ee uu Carlo Ancelotti dhawrka jeer xilli-ciyaareedkan usoo dallacsiiyey kooxda koowaad, sababtoo ah wali waxa uu u dhexeeyaa Spain iyo Argentina oo aanu xulka koowaad u dheelin.

Real Madrid oo sannadihii ugu dambeeyey xuddunteeda suuqu uu ahaa waddanka Brazil oo ay kala soo saxeexatay ciyaartooyo da’doodu yarayd oo ay ku barbaarisay kooxdeeda, sida Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes iyo waliba laacibka la sugayo bisha June ee Endrick ayaa waxa dhinaca kale ay ka midho dhalin-weyday ciyaartooyo u dhashay Argentina oo ay waqtiyada qaarkood doonayeen.

Lautaro Martinez, Enzo Fernandez, iyo Julian Alvarez ayaa intaba lala xidhiidhiyey Real Madrid, laakiin midkoodna ma aanay soo iibsanin. Sidoo kale, dheemanka ay Man City qaadatay ee Claudio Echeverri ayaa ay diiradda Los Blancos saarnayd, balse way ka fadhiisteen markii la heli karayey, taas oo Man City u noqotay fursad ay si fudud ugu soo qaadato laacibkan.

Aynu dib ugu noqono saxeexyadii ay Real Madrid samaysay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey amaba intii uu ka tegay Angle di Maria, waxay ahaayeen: Toni Kroos iyo Keylor Navars oo ay soo iibsadeen xilli-ciyaareedkii 2014/15, Casemiro iyo Marco Asensio oo kooxda lagu soo dhoweeyey 2015/16 kaddib amaah waqti kooban lagu diray, Vinicius Junior, Brahim Diaz iyo Thibaut Courtois oo 2018/19 ay soo iibsadeen; Rodrygo, Eder Militao, Mendy iyo Hazard oo xilli-ciyaareedkii 2019/20 lagu soo dhoweeyey Bernabeu; Camavinga, iyo Alaba oo ay lasoo wareegeen suuqa xilli-ciyaareedkii 2021/22; Tchouameni iyo Rudiger oo yimid xilli-ciyaareedkii 2022/23 iyo ugu dambayntii Jude Bellingham oo ay kooxdu la saxeexatay xagaagii tegay.

Sidaas oo ay tahay, ciyaartoyda reer Argentine way kaga guulo badan yihiin kuwa reer Brazil gudaha kooxda Real Madrid, sababtoo ah waxa waddankaas kasoo jeeday Alfredo Di Stefano, Jorge Valdano, iyo Fernando Redondo. Waxa kale oo soo maray Gonzalo Higuain iyo Fernando Gago oo sannadkii 2017 uu Fabio Capello ku xoojiyey safkiisii ku guuleystay horyaalka, halka Angel Di Maria ay isagana kasoo horqaadeen Barcelona sannadkii 2010, iyagoo kala soo wareegay Benfica.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*