Rasmus Hojlund Oo Shaaciyey Haddii Uu Xagaaga U Wareegayo Real Madrid


Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Rasmus Hojlund ayaa mar horeba caddeeyey dareenkiisa ka tegitaanka kooxdiisa Red Devils si uu ugu biiro Real Madrid dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda.

Rasmus Hojlund oo xagaagii tegay ay Manchester United £72  milyan oo Gini kaga soo iibsatay Atalanta ayaa u muuqda in uu hadda uun la qabsanayo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu si adag ku bilowday.

Afar bilood kaddib markii uu ku biiray Manchester United ayuu dhaliyey goolkiisii koowaad ee horyaalka Premier League, waxaanu ka dhaliyey Aston Villa oo ay 3-2 kaga adkaadeen bishii December, halka 29 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu illaa hadda saftayna uu dhaliyey 11 gool iyo laba caawimood.

Usbuucyadii ugu dambeeyey ayuu qaabkiisu aad u fiicnaa, waxaase soo baxayay warar sheegaya inay kulmeen Juni Calafat oo ah khabiirka Real Madrid usoo xero-geliya ciyaartoyda, gaar ahaan kuwa da’doodu yar tahay ee mustaqbalka fiican leh.

Sida uu qoray wargeyska Defensa Central, Madrid ayaa si dhow ula socotay Hojlund muddooyinkii dambe, waxaanay isku dayayaan inay kasoo afduubtaan Manchester United, hase yeeshee Hojlund oo la hadlay telefishanka dalkiisa ee Danish TV ayaa isagun falcelin ka sameeyey arrintan.

Rasmus Hojlund oo ka jawaabayay wararka sheegaya inay doonayso Real Madrid ayaa yidhi: “Waa riyo weyn, waan ku dhiirran karayaa inaan wax weyn ku riyoodo. Haddii kale, ma gaadhaysay hadafkaaga. Way adag tahay in wax walba aad ka hesho hal meel, laakiin aniga wax walba waan ku haystaa Manchester United. Waa koox igu habboon.

“Hadda kooxdu waxay ku jiraa waqti geeddi-socod ah, aniguna aad baan u jecelahay in aan qayb ka ahay. Tani waa sababta aan u doortay inaan tago sababtoo ah waxa aan dareemayay in aan ku dhax korayo kooxdan, waxaanan rajaynayaa in aanu koobab badan ku guuleysan doonno.”

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Rasmus Hojlund ayaa waxa ka muuqata inuu carrabkiisa ka ilaaliyey inuu soo qaado Real Madrid, waxaanu ku adkaystay kaliya inuu doonayo inuu joogo Man United oo uu ku faraxsan yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*