Waa Kuma Xiddiga Qolka Labbiska Ku Dhax Garaacay Son Heung-min Ee Farta Ka Jabiyey?


Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa waxa qolka labbiska ku garaacay ciyaartoy ay isku koox yihiin, kaas oo waliba ka jabiyey farta kaddib markii ay ka hadheen Koobka Qaramada Asia oo ay kaga baxeen wareeggii afar-dhamaadka.

Muran ayaa ka dhax-dhashay ciyaartoyda xulka Koonfur Korea waqtigii cashada ee habeenkii ka horreysay ciyaartii semi-finalka ee ay Jordan sida xun u garaacday, waxaana khilaafkaas oo jira ay soo galeen garoonka iyadoo Jordan ku badisay 2-0.

Ciyaartoyda da’doodu yar tahay ee xulka Koonfur Korea ayaa la sheegay inay si degdeg ah u cuneen cashada si ay dibedda ugu baxaan oo ay u dheelaan ciyaar-gacmeed, laakiin Son oo ah kabtanka xulka ayaa ka cadhooday arrintaas, waxaana uu diiday in ay ciyaartoydu baxaan waqti hore sababtoo ah waxa uu doonayey inay waqti ku wada qaataan miiska cuntada oo ay ka tashadaan ciyaarta kusoo aaddan.

Xiddiga PSG ee Lee Kang-in oo 22 jir ah ayaa ku jiray ciyaartoyda ay isku dhaceen Son, waxaana labadooda dhaxmaray dagaal markii ay hadallo kulul is-weydaarsadeen.

Lee Kang-in ayaa intii uu socday gacan ka hadalkoodu waxa uu farta ka jabiyey Son oo ay da’diisu tahay 31 jir, ka hor intii aanay kala qabannin ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka ee kooxdu.

Son oo ay fartu jaban tahay ayaa garoonka soo galay maalintii dambe oo goob-joog u ahaaday iyadoo xulkiisa lagu bahdilayo waddanka Qatar, waxaana 2-0 kaga adkaatay Jordan oo iyadana finalkii ay Qatar kaga badisay 3-1.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*