Liverpool Oo Xulatay TODDOBA Tababare Oo Ay Midkood Ka Dhiganayso Beddelka Jurgen Klopp


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xulatay toddoba tababare oo ay kasii dhax-dooran doonto macallinka u beddelaya Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegi doona, isaga oo soo afjaraya sagaal sannadood oo uu maamulayey Reds.

Jurgen Klopp ayaa bishii January shaaciyey inuu ka tegi doono Liverpool xagaaga, isla markaana uu muddo sannad ah geli doono nasiimo, waxaanu sababta ku sheegay inay ka dhamaatay tamartii uu ku shaqaynayey.

Liverpool ayaa waxa kale oo sugaya inay raadsato agaasime cusub oo ciyaareed oo haga kooxdeeda maadaama uu isaguna agaasimihii kooxdu shaaciyey inuu tegayo, waxaana sidaas halmar ku wada bannaynaya shaqooyinkooda dhamaan shaqaalaha tababarka oo ah Klopp iyo ku-xigeennadiisa iyo agaasimaha ciyaaraha.

Xabi Alonso ayaa lagu tilmaamay tababaraha ugu cadcad ee ay doonayso Liverpool, sababtoo ah shaqada uu ka qabtay Bayer Leverkusen ee cajiibka ah oo qancisay, iyadoo illaa hadda aan hal mar laga badinin naadigiisa xilli-ciyaareedkan oo dhan, waxaanay Sabtidii 3-0 ku garaaceen Bayern Munich.

Xabi Alonso oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxihiisii hore ee Real Madrid iyo Bayern Munich, ayaan wali gaadhin go’aanka mustaqbalkiisa.

Waxa kale oo ku jira liiska tababareyaasha ay Liverpool xulatay Roberto De Zerbi oo Brighton layliya, Julian Nagelsmann oo ah tababaraha xulka qaranka Germany, Ange Postecoglou oo ah tababaraha Tottenham, kaas oo carruurnimadiisii taageeri jiray Liverpool iyo waliba Unai Emery oo Aston Villa tababare u ah, Roger Schmidt oo ah tababaraha Benfica iyo Steven Gerrard oo waqtigan macallin u ah kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ettifaq.

Waxa kale oo la hadal hayaa Zinedine Zidane oo aan isagu ku jirin liiska toddobada ah ee sare ku xusan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*