Chelsea Oo Laga Xoogayo Gallagher, Man United & Real Madrid Oo Lagu Qabsaday Xiddig Ay Iyagu Isku Haysteen Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Tottenham ayaa u dhaqaaqi doonta saxeexa xiddiga khadka dhexe ee Chelsea ee Conor Gallagher dhamaadka xilli-ciyaareedka, kaddib markii ay Blues ku guul-darraysatay inay kordhiso qandaraaska ay kula jirto 24 jirkan oo si xor ah uga tegi doona xagaaga dambe. (Telegraph)

Newcastle United iyo Arsenal ayaa heegan ku jira oo ay mid walba doonaysaa inay la saxeexato weeraryahanka reer England ee Ivan Toney oo ay hakad galeed wada-hadallo u socday kooxdiisa Brentford. (Teamtalk)

Brentford ayaa beddelka Toney ka heshay kooxda Lille oo ay kasoo qaadanayso weeraryahanka 24 jirka ah ee reer Canada ee Jonathan David. (Football Transfers)

Manchester United iyo Tottenham ayaa si adag ugu dagaallamaya saxeexata difaaca Everton ee Jarrad Branthwaite oo ay hore u doonayeen Chelsea, Arsenal iyo Real Madrid. 21 jirkan reer England ayaa xagaaga noqon doona xiddig ay ku loollamaan kooxo badan. (Mail)

Khadka dhexe ee reer Argentina ee Enzo Fernandez oo 23 jir ah, ayaa meesha ka saaray hadal-haynta ah in uu doonayo inuu iskaga tago Chelsea, waxaanu xaqiijiyey inuu ku faraxsan yahay Stamford Bridge. (Fabrizio Romano)

Manchester City waxay heshiis la gashay 19 jirka reer Brazil ee garabka weerarka uga ciyaara kooxda Girona oo iyaduna amaah kaga soo qaadatay kooxda heerka labaad ee Faransiiska ee Troyes. (Fabrizio Romano)

Newcastle United ayaa kula biirtay West Ham tartanka loogu jiro weeraryahanka 26 jirka ah ee Albert Gudmundsson oo u ciyaara kooxda Genoa ee horyaalka waddanka Talyaaniga. (Gazzetta dello Sport)

Arsenal ayaa luminaysa samirka ay u hayso khadka dhexe ee reer Germany ee Kai Havertz, waxaanay ka fiirsanaysaa inay iibiso xagaaga soo socda. (Fichajes)

Bayern Munich waxay bishii January isku dayday inay amaah kusoo qaadato xiddiga Chelsea ee Mykhailo Mudryk, laakiin Blues ayaa diidday in 23 jirkeedan reer Ukraine ay u dirto Munich. (Fabrizio Romano)

Newcastle United ayaa agaasimaheeda ciyaaraha ee Dan Ashton waxa si weyn u doonaysa Manchester United oo isla xilkaas oo kale u magacaabaysa, si uu ugu beddelo John Murtough. Dan Ashton ayaa la filayaa inuu ka tago Newcastle xagaaga.(The i)

Tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel waxa uu ku jiraa liiska tababareyaasha ay xulatay Barcelona ee ay u doonayso beddelka Xavi Hernandez oo dhamaadka xilli-ciyaareedka ka tegi doona Camp Nou. (Sport)

Kylian Mbappe waxa xidhiidh la samaysay Liverpool oo la kulantay wakiilladiisa sannadkii hore, laakiin waxa markii dambe ay Reds go’aasatay inay dib uga laabato laacibkan sababtoo ah waxa burburayey istaraatiijiyadda iyo qorshaheeda maaliyadeed. (Independent)

Barcelona ma awoodi doonto inay Roberto de Zerbi ka dhigato tababaraheeda cusub, sababtoo ah Brighton ayaa ka dalban doonta in Barca ay bixiso oo ay sida ciyaartoyda ooi kale u iibsato macallinkeeda. (Matteo Moretto)

Difaaca midig ee reer Portugal ee Joao Cancelo ayaa ka shaqaynaya sidii ay Barcelona heshiis rasmi ah ula gaadhi lahayd laacibkan marka uu dhamaado qandaraaska amaahda ah ee ay xagaagii kaga soo qaateen Manchester City. (Mundo Deportivo)

Khadka dhexe ee Real Madrid ee Toni Kroos oo 34 jir ah ayaa meesha ka saaray inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Bayern Munich, laakiin waxa uu bixiyey qish ah inay suurtogal tahay inuu dib ugu soo laabto xulka qaranka Germany ee uu hore uga fadhiistay. (90 min)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*