Arsenal, Liverpool mise Manchester City? Petr Cech Oo Saadaaliyey Kooxda Ku Guuleysanaysa Horyaalka Premier League


Halyeygii Chelsea iyo Arsenal ee Petr Cech ayaa saadaal ka sameeyey horyaalka Premier League iyo sida loogu kala guuleysanayo, waxaana uu kala saaray kooxdiisii hore ee Gunners, Manchester City iyo Liverpool.

Arsenal oo ay ugu dambaysay inay ku guuleysato horyaalka Premier League sannadkii 2004 oo uu tababare Arsene Wenger macallin u ahaa, isla markaana ay koobka qaadeen iyagoon hal-mar laga badinin, ayaa waxa ay u dhowaatay xilli-ciyaareedkii hore inay soo afjarto abaarta koobab la’aanta, laakiin dhamaadkii ayay is-dhiibeen waxaana shan dhibcood dhaaftay Manchester City oo koobka ku guuleysatay.

Mar kale ayay xilli-ciyaareedkan tartamaysaa Arsenal, waxaanay laba dhibcood ka dambaysaa Liverpool oo hoggaanka haysa, iyadoo ay isku mid yihiin Manchester City oo ay farqiga goolasha iyo dhibcahaba ka midaysan yihiin.

Petr Cech oo afar sannadood u ciyaaray Arsenal markii uu ka tegay Chelsea, ayaa rumaysan in Gunners ay horyaalka ku guuleysan karto, isla markaana bisha May ay soo geli doonto iyadoo kooxdiisa hore hoggaanka u haysa horyaalka Premier League.

Cech oo ka hadlayey barnaamijka Monday Night Football, ayaa la weydiiyey kooxda ku guuleysan doonto horyaalka Premier League, waxaanu ku jawaabay: “Waqtigan, waxay ila tahay Arsenal. Xilli-ciyaareedkan waxay ila tahay in uu noqon doono mid aad la iskugu dhow yahay, laakiin Arsenal ayaa noqon doonta kooxda ku guuleysanaysa.”

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa shan jeer ku guuleysatay horyaalka Premier League lixdii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana kaliya kala jaray oo xidhiidhkooda u diidday Liverpool oo mar ka xoogtay, waxaana hadda hal ciyaar ay baaqi u tahay City oo haddii ay soo adkaato hal dhibic dhaafi doonta Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*