DEG-DEG: Sven-Goran Eriksson Oo Noqonaya Tababaraha Liverpool


Tababare Sven-Goran Eriksson ayaa ugu dambayn rumaynaya riyadiisii ahayd in uu mar uun tababare ka noqdo Liverpool oo uu ciyaartoyda kooxdaas ka hago garoonka Anfield, waxaana uu noqon doonaa macallinka kooxdaas bisha March ee foodda inagu soo haysa.

Sven-Goran Eriksson oo u dhashay waddanka Sweden oo ay da’diisu tahay 75 jir, dhowaanna laga daaweeyey xanuunka kansarka oo kaga dhacay ganaca bishii Janaury, ayaa hore u sheegay inuu ku riyoodo inuu noqdo tababaraha Liverpool.

Kooxo badan ayuu Sven-Goran Eriksson soo layliyey, waxaana ku jiray xulka qaranka England, waxaase ugu dambayntii loo rumaynayaa riyadiisii ahayd inuu Liverpool tababare u noqdo, taas oo uu saxaafadda dhawr jeer u sheegay isaga oo sidoo kalena qirtay inuu taageero kooxda tababare Jurgen Klopp uu iska casilayo dhamaadka xilli-ciyaareedka.

Jurgen Klopp ayaa gacmo furan kusoo dhoweeyey in Sven-Goran ErikssonĀ  uu yimaaddo Anfield, waxaana uu soo jeediyey inuu kasoo xaadiro oo uu waliba maamulo ciyaartoyda Liverpool kulanka halyeeyada ee bisha March ka dhici doona garoonka Anfield.

Sven-Goran Eriksson ayaa ogolaaday dalabkan, waxaana tababarenimada halyeeyada Liverpool ay soo wada xuli doonaan oo ay wada shaqayn doonaan Sir Kenny Dalglish iyo Ian Rush, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Liverpool oo lagu yidhi: “Dhamaan cidda xidhiidhka la leh kooxda iyo jimciyadda LFC waxay rajaynayaan in ay taageereyaasha kooxdu si diirran ugu soooo dhoweyn doonaan Steven iyo qoyskiisa garoonka Anfield oo uu noqon doono tababare ciyaarta qaadhaan-ururinta.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*