Shaxda Isbuuca Ee Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray & Arsenal Oo U Badan


Khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay 11kii ciyaaryahan ee wacdarraha ka dhigay horyaalka Premier League todobaadkan iyadoo dhamaan lixda kooxood ee ugu waa weyn horyaalka ay wada badiyeen isbuucaan.

Booska goolhayaha waxaa ku soo baxay goolhayaha Liverpool Kelleher kaasoo bedelay Alisson oo xumad ku seegay kulankii Burnley, laakiin Kelleher ayaa badbaadino fiican sameeyay labo jeer isagoo guusha u xaqiijiyay kooxdiisa.

Seddexda daafac danbe waxaa ku soo baxay daafacyada Arsenal William Saliba iyo Gabriel iyadoo Saliba uu ahaa hogaamiyaha daafaca ee West Ham u diiday inay u soo dhawaato goolka halka Gabriel ay u soo dheereyd inuu shabaqa soo taabtay kulankii ay xasuuqeen West Ham.

Waxaa daafaca dhameystiraya Harry Maguire oo qaab ciyaareed fiican u soo bandhigay Man United islamarkaana caawiye ka ahaa goolkii furitaanka ee Rasmus Hojlund.

Afarta khadka dhexe waxaa hogaaminaya Conor Gallagher oo labo gool u dhaliyay Chelsea kulankii ay garaaceen Crystal Palace. Declan Rice ayaa isna ka mid ah kooxda isbuuca madaama uu wacdarro dhigay kulankii ay 6-0 ku xasuuqday Arsenal West Ham isagoo caawin iyo gooldhalin isku darsaday.

Laacibka Newcastle Bruno Guimaraes ayaa isna dhaliyay labo gool oo cajiib ah kulankii ay ka badiyeen Nottingham Forest halka Kevin de Bruyne oo bedel ku soo galay ciyaartii Everton uu wax weyn ciyaarta ka bedelay isagoo caawiye u noqday Haaland.

Weerarka waxaa hogaaminaya Erling Haaland oo dhaliyay labadii gool ee ay Man City ku garaacday Everton, waxaa ku wehliya Ivan Toney oo guul ku hogaamiyay Brentford, waxaana weerarka dhameystiray xiddiga Arsenal Bukayo Saka oo labo gool Gunners u dhaliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*