Muxuu Ahaa Rikoodhkii Xalay Loo Diiwaangeliyay Chelsea?


Chelsea ayaa taariikh ka dhigtay kulankii Crystal Palace waxaana markii ugu horeysay muddo 118 sannadood ah loo diiwaangeliyay rikoodh cusub.

Chelsea ayaa hal gool looga hormaray waxay ku bedeshay seddex gool iyadoo Conor Gallagher uu labo gool dhaliyay halka Enzo Fernandez uu gool seddexaad guusha ku xaqiijiyay.

Waxa ay aheyd guushii labaad oo xiriir ah oo ay gaartay kooxda Chelsea, taasoo bartamihii isbuuca ka reebtay Aston Villa tartanka FA Cup.

Guushaan waxay sidoo kale Chelsea u aheyd mid ay rikoodh ku jabisay, iyagoo haatan garaacay Crystal Palace 13 kulan oo isku xigta.

Waa markii ugu horeysay taariikhda Chelsea ee ay 13 kulan oo isku xigta horyaalka ka badiyaan hal koox. Waxayna rikoodhka ku dhigeen kooxda reer London ee Palace oo dhibane u noqotay.

Kulankii xalay waxa uu ahaa kulankii 200aad ee uu Roy Hodgson tababare u noqdo Palace laakiin waxa uu noqon karaa kulankiisii ugu danbeeyay.

Waa guuldaradii seddexaad ee afar kulan oo soo gaartay Palace kuwaasoo sidoo kale guuldarro kala kulmay Arsenal iyo Brighton.

Roy Hodgson ayaana loo baqaa shaqadiisa isagoo haatan qarka u saaran in la ceyriyo.​

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*