Chelsea Oo Guul Waqti Dambe Ay Ka Gaadhay Crystal Palace Ugu Diyaar-garowday Man City


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa kusoo laabatay tubta guulaha horyaalka Premier League, waxaanay 3-1 kusoo garaacday kooxda ay isku magaalada yihiin ee Crystal Palace, kaddib laba guul-darro oo isku xigay oo ay kala soo kulmeen Wolves iyo Liverpool.

Chelsea oo dhamaadka usbuucii hore 3-1 kaga soo adkaatay Aston Villa ciyaar ku-celis ahayd oo FA Cup ka tirsan, ayaa waxa libinta ay kasoo gaadhay Crysal Palace ay kusoo afjartay natiijooyin aan wanaagsanayn oo ay ka keenayeen horyaalka Premier League.

Crystal Palace ayaa gool la hormartay qaybta hore iyadoo Jefferson Lerma uu bannaanka ka toogtay darbad xooggan oo uu goolhaye Petrovic awoodi waayey in uu ka joojiyo goolkiisa, laakiin Chelsea ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad keentay gool uu niyadda ugu soo celiyey Connor Gallagher oo noqday dhaliyahooda waqtigan ee hawsha ka furtay weeraryahannada.

Ciyaarta oo u muuqanaysay in ay labada kooxoodba ku qanacsan yihiin barbarro, ayaa lagu daray afar daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo wax walba dhinaca kale u rogay, isla markaana meesha ka saaray wax walba oo laga filanayay ciyaarta.

Daqiiqaddii 90+2 ayuu Cole Palmer kubbad kasoo qaatay difaaca kooxdiisa, waxaana uu la yimid xerada ganaaxa oo uu si taraarax ah dhulka ugu raaciyey Conor Gallagher oo meel dambe soo ordayay, kaas oo isaguna darbad dhulka socota ku toogtay goolka, waxaana uu ku hubsaday shabaqa.

Isla markii kubadda dib loo bilaabay ee ay daqiiqad kale socotay ayaa waxa dhacay lama filaan kale, waxaana mar kale kubadda khadka dhexe ka helay Palmer oo difaaca Crystal Palace dhexdooda kubadda ugu tuuray Enzo Fernandez oo isaguna difaac ka horreeyey dhawr jeer waabiyey, kaddibna uu iyadoo goolhayaha iyo difaacuba ay dhulka jiifaan kubadda ku toogtay goolka oo waxyar u jiray.

Guushan ay Chelsea gaadhay ayaa imanaysa iyadoo ay kusoo waajahan tahay ciyaarta adag ee ay Manchester City ku qaabbili doonaan garoonka Stamford Bridge maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*