DEG-DEG: Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxeex Cusub


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dhamaystirtay heshiiska ciyaartoy cusub oo ay kusoo kordhinayaan safkooda, kaas oo tababare Mauricio Pochettino uu kusoo dhoweyn doono Stamford Bridge xagaaga, haddii uu nasiib u yeesho in uu sii ahaado tababaraha Blues.

Chelsea ayaa waxa ay gacanta ku dhigtay xiddiga khadka dhexe ee reer Senegal ee Pep Daouda Diongm kaas oo bishii December ay heshiiskiisa meel sii saareen, isla markaana mar horeba yimid garoonka Cobham oo uu tababarka ku qaatay.

Chelsea ayaa go’aansatay in Pape Daouda Diong oo ay da’diisu tahay 17 jir uu amaah ugu maqnaado kooxda Strasbourg xilli-ciyaareedka soo socda ee 2024/25.

Pape Daouda Diong ayaa imanaya Chelsea oo lacago xad-dhaaf ah karash garanaysay muddadii uu mulkiyadda iyo maamulka kooxda gacanta ku hayay Todd Boehly iyo nimanka ay shuraakada yihiin, kuwaas suuqa geliyey in ka badan 1 bilyan oo Gini muddo sannad iyo badh ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*