Gareth Southgate Oo Go’aan Halis Ah Ka Qaatay Kobbie Mainoo Iyo Farxadda Usoo Yeedhay Reer Ghana


Xulka qaranka England ayaa go’aan khilaaf leh ka qaadatay xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee Kobbie Mainoo iyadoo uu kaabisga soo saaran yahay waqtiga uu tababare Gareth Southgate xulanayo ciyaartoyda xulka qarankiisa ee ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Yurub ee Euro 2024.

Kobbie Mainoo ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ugu fiican Manchester United waqtigan isaga oo kasoo dallacay kooxda da’yarta, waxaana ciyaartiisii 10aad oo xidhiidh ah uu kusoo bilowday kulankii Aston Villa ee Axaddii.

Gareth Southgate ayaa ku sugnaa garoonka Villa Park ciyaartii ugu dambaysay ee uu 18 jirkani bandhigga fiican ka sameeyey, iyadoo loogu baaqayo tababaraha in uu laacibkan kusoo daro liiska ciyaartoydiisa xulka qaranka England ee tegi doona waddanka Geramny ee uu tartanku ka dhacayo.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Kobbie Mainoo oo sharcigu u ogolaanayo inuu u ciyaaro xulka qaranka Ghana ayaa diyaar u ah inuu ogolaado inuu u dheelo xulka England ee uu hore ugu soo ciyaaray da’yarta U18, U16 iyo U19, laakiin Ingiriiska ayaa halis ugu jira in ay lumiyaan laacibkan.

Daily Mail waxa uu sheegay, in tababare Gareth Southgate aanu doonayn inuu ciyaartoygan ugu yeedho xulka qaranka England waqtiyada dhow oo aanu kusoo dedejin doonin, waxaanay taasi fursad u siinaysaa Ghana inay ku qanciso Kobbie Mainoo inuu xulkooda u dheelo.

Randy Abbey oo ka tirsan xidhiidhka kubadda cagta Ghana ayaa toddobaadkii hore u sheegay wargeyska The Times in ay rajaynayaan in Kobbie Mainoo uu u ciyaaro xulka qarankooda, ayna ka shaqaynayaan arrintaas.

Si kastaba ha ahaatee, Kobbie Mainoo ayaan caddaynin go’aankiisa mustaqbalka ee xulka qaranka uu doonayo inuu u ciyaaro mustaqbalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*