Kuma Ayuu Ahaa Ciyaartoygii Arsenal Ee Ka Codsaday Mikel Arteta Inuu Soo Geliyo Ethan Nwaneri Kulankii West Ham?


Aaron Ramsdale ayaa shaaciyey xiddigii Arsenal ee ka dalbaday tababare Mikel Arteta in uu beddel kusoo geliyo laacibka da’yarta ah ee Ethan Nwaneri kulankii ay Axaddii 6-0 ku garaaceen West Ham.

Arteta ayaa sheegay, in ciyaartoyda kaydka ee kooxdiisa uu ka maqlay xanshashaq iyo erey ay kaga codsanayaan inuu waqti siiyo Ethan Nwaneri oo ah wiil dahabi ah oo ay da’diisu tahay 16 jir, kaas oo isaguna uu si degdeg ah usoo kiciyey oo uu ku beddelay Gabriel Martinelli.

Mikel Arteta oo la hadlayay saxaafadda kaddib ciyaarta ayaa yidhi: “Waxa jira arrin ay tahay in aad kasbato kooxda dhaxdeeda, waana kalsoonida ay kugu qabaan ciyaartoydaada.

“Waxa aan haystay laba arrimood. Midda koowaad, ciyaartoyda kaydka fadhida ayaa lahaa ‘Ethan beddel ku geli’, waxaanay ahayd arrin aad u fiicnayd in aan maqlo. Arrinta kale waxay ahayd, in ciyaartoydu ay mar walba ku siiyaan kubadda. Haddii ay sidaa sameeyeen, sababtu waa inay si dhab ah kuugu kalsoon yihiin, waaanad arkaysaa inta jeer ee uu kubadda helay, taasina waxay noo ahayd calaamad wanaagsan.”

Si kastaba ha ahaatee, goolhaye Aaron Ramsdale ayaa shaaciyey magaca ciyaartoygii dalbaday in Nwaneri la siiyo waqti, waxaana qoraal uu ku daabacay bartiisa Instagram uu ku yidhi: “Jorginho ayuu ahaa qofkii lahaa ‘Ethan geli ciyaarta’.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*