SAADAAL: Supercomputer Oo Man City Uga Dhaartay Horyaalka Premier League, Kooxda Uu Siiyey Iyo Afarta Kasoo Qayb-geli Doona Champions League


Supercomputer ayaa saadaal cusub oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League aanay ku guuleysan doonin Manchester City, waxaana uu niyad-jab kusii riday Pep Guardiola iyo xiddigihiisa, halka uu sidoo kale niyad-jab ugu sii bushaareeyey Manchester United oo uu u sheegay in aanay awoodi doonin inay soo qabato Aston Villa iyo Tottenham oo kaalmaha afraad iyo shanaad ku kala jira.

United oo Axaddii guul ka gaadhay Aston Villa ayaa toddoba dhibcood lix dhibcood usoo jirsatay Tottenham oo kaalinta afraad ku jirta, waxaana Red Devils ay ku jirtaa qaab fiican iyagoo dhawrkii ciyaarood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah u guuleysanayey.

Supercomputer oo adeegsanaya xogta ay diiwaangeliso Opta ayaa waxa uu sheegay, in Liverpool ay ku guuleysan doonto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, halka Manchester City, Arsenal iyo Tottenham ay afarta sare ku dhamaysan doonaan.

Aston Villa ayaa uu Supercomputer saadaaliyey in ay xajisan doonto booskeeda afraad oo ay fursaddeedu tahay 76.4% halka Manchester United ay kaliya fursaddeedu tahay 23.3% in ay kasoo dallacdo booska ay hadda ku jirto.

Chelsea ayaa ku dhamaysan doonta booska kaalinta 10aad sida ay sheegayso saadaasha Supercomputer, waxaana 11aad tegi doonta Wolves.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*