Manchester United Oo £100 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Labada Mishiin Ee Ay Ku Socoto Bayer Leverkusen


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa liiska xiddigaha ay doonayso xagaaga ku darsatay labada ciyaartoy ee mishiinka u ah kooxda Bayer Leverkusen ee laga furfuri la’yahay hoggaanka horyaalka Bundesliga, taas oo illaa hadda aan xataa hal mar laga badinin tan iyo bilowgii xilli-ciyaareedka.

Leverkusen oo uu tababare u yahay Xabi Alonso waa kooxda kaliya ee reer Yurub ah ee xilli-ciyaareedkan aan la kulmin wax guul-darro ah iyadoo ku jirta taramo kala duwan.

Manchester United ayaa si dhow ula socota xiddigaha wacdaraha ka dhigaya Leverkusen, kuwaas oo ay doonayso inay kasoo qaadato laba ka mid ah marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan ee uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu.

Labada difaac ee Jeremie Frimpong iyo Edmond Tapsoba ayaa Manchester United ay doonaysaa inay kasoo qafaalato Leverkusen xagaaga, si ay ugu xoojiso safkeeda ka liigaya difaaca dhexe iyo difaaca midig.

Edmond Tapsoba oo ay da’diisu tahay 25 jir ayaa kusoo bilowday ciyaartii Sabtidii ay Leverkusen 3-0 ku garaacday Bayern Munich, iyadoo Frimpong uu kursiga kaydka uga soo kacay inuu dhaliyo goolka saddexaad ee kooxdiisa daqiiqadihii waqtiga dheeraadka ahaa.

United ayaa la kulantay wakiilka Frimpong sannadkii hore, waxaana 23 jirkan ay doonaysaa inay la saxeexato xagaaga, si ay uga ciyaarsiiyaan booska difaaca midig ee ay Aaron Wan-Bissaka iyo Diogo Dalot ka dheelaan.

Tapsoba ayaa sidoo kale ay Manchester United u doonaysaa inay ku xoojiso difaaca dhexe ee ay daalaa-dhacayaan Jonny Evans oo 36 jir ah oo xagaagii ay heshiis sannad ahaa la galeen, Raphael Varane, Lisandro Martinez iyo Harry Maguire oo ay dhaawacyo daashadeen iyo Lindelof oo isaguna muddo maqan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*