Akhriso Ciyaartoyga Ugu Mushaharka Badan Koox Kasta Oo Premier League Ah Sannadkan 2024


20ka kooxood ee horyaalka waddanka Ingiriiska ayaa lasoo bandhigtay naadi walba ciyaartoyga ugu mushaharka badan, waxaana layaab noqotay in Arsenal uu figta sare fadhiyo Kai Havertz oo ogolaysiiyey inay qasnaddeeda u jabbiso markii ay kala soo wareegaysay Chelsea.

Gunners ayaa waxa ay Kai Havertz siisaa toddobaadkii lacag dhan £280,000 Gini, halka Aston Villa ay isku mid ka noqdeen saddex ciyaartoy oo kala ah Youri Tielemans, Clement Lenglet, iyo Boubacar Kamara oo mid walba uu usbuucii u xaadiro £150,000 Gini.

Wiilka uu dhalay halyeygii reer Netherlands ee Patrick Kluivert ee Justin oo u ciyaara Bournemouth ayaa isaguna naadigiisa kaalinta koowaad kaga jira, laakiin waxa uu kaliya qaataa £80,000 Gini toddobaadkii, taas oo ah lacag aad u yar marka loo eego mushaharka ay qaataan ciyaartoyda kooxaha waaweyn ee Premier League.

Guud ahaan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, ciyaartoyga ugu mushaharka badan waa Kevin de Bruyne oo Manchester City ay toddobaadkii siiso lacag dhan £400,000, halka Mohamed Salah iyo Casemiro oo hormoodaya Liverpool iyo Manchester United uu iyagana mid walba u xaadiro £350,000 Gini, laakiin marka si guud loo eego waxa ka sarreeya Erling Haaland oo kaalinta labaad kaga jira liiska mushaharka Man City oo usbuucii u xaadira £375,000 Gini.

Halkan kaga bogo mushaharka uu qaato ciyaartoy kasta oo ugu mushaharka badan Premier League:

Ciyaartoyga ugu mushahar badan koox kasta oo Premier League ah xilli-ciyaareedka 2023/24
Kooxda Ciyaartoyga Mushaharka toddobaadkii
Arsenal Kai Havertz £280,000
Aston Villa Youri Tielemans, Clement Lenglet and Boubacar Kamara £150,000
Bournemouth Justin Kluivert £80,000
Brentford Ben Mee £55,000
Brighton & Hove Albion Ansu Fati £160,000
Burnley Jack Cork and Josh Brownhill £40,000
Chelsea Raheem Sterling £325,000
Crystal Palace Dean Henderson, Michael Olise and Eberechi Eze £90,000
Everton Abdoulaye Doucoure £130,000
Fulham Raul Jimenez £100,000
Liverpool Mohamed Salah £350,000
Luton Town Albert Sambi Lokonga £50,000
Manchester City Kevin De Bruyne £400,000
Manchester United Casemiro £350,000
Newcastle United Bruno Guimaraes £160,000
Nottingham Forest Divock Origi £120,000
Sheffield United Mason Holgate £70,000
Tottenham Hotspur Heung-min Son £190,000
West Ham United Lucas Paqueta and Kalvin Phillips £150,000
Wolverhampton Wanderers Pablo Sarabia £90,000

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*