Aston Villa Oo Dalbatay In Lagu Celiyo Ciyaartii Manchester United Ee Axaddii


Kooxda kubadda cagta Aston Villa ayay taageereyaasheedu dalbadeen in lagu celiyo ciyaartii Manchester United ee shalay kaddib markii ay soo baxeen muuqaallo muujinaya in goolka koowaad ee ay Manchester United dhalisay uu ahaa offside.

Manchester United ayaa guul 2-1 ah kasoo gaadhay Aston Villa, waxaana daqiiqaddii 17aad hoggaanka u dhiibay Rasmus Hojlund oo dhaliyey kubbad uu madax kusoo qabtay Harry Maguire.

Goolkan ayaa ku yimid koorne uu madax ku dhuftay uu Harry Maguire dib usoo celiyey madax isla markaana goolka hortiisa uu ka helay Rasmus Hojlund oo lugta bidix ku dhamaystiray, ayaa waxa ka horreeyey laad xor ahaa oo uu Luke Shaw kasoo qaaday badhtamaha garoonka oo ay difaacyahannada Aston Villa madax koorne ugu saareen, balse Casemiro ayaa waqtigaas offside caddaan ah u jiray.

Sida muuqaallada dhinacyada badan qaaday ay muujinayaan, Casemiro waxa uu ku jiray offside caddaan ah, laakiin looma baahanin VAR iyadoo kaliya lagu xisaabtamay koornaha ay United soo qaaday.

Taageereyaasha Aston Villa oo ka cadhooday arrintan, ayaa baraha bulshada ku qarqiyey sawirka Casemiro oo dhax taagan offside markii uu Luke Shaw badhtamaha garoonka kasoo laadayey laadka xorta ah ee sababta u noqday koornihii ay Manchester United dhalisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*