Garsooraha Ciyaarta Champions League Ee RB Leipzig vs Real Madrid Oo La Shaaciyey


Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha ay u doorteen ciyaarta adag ee Real Madrid iyo RB Leipzig ee lugta hore ee wareegga 16ka Champions League ee Salaasada ay ku wada ciyaari doonaan waddanka Germany.

UEFA ayaa waxa ay u dooratay in uu ciyaartan dhax-dhaxaadiyo Irfan Peljto oo u dhashay waddanka Bosnia oo ay u noqonayso markii koowaad ee uu xaakim ka noqdo ciyaar ay Real Madrid dheelayso, laakiin waxa uu samayn doonaa taariikh ah inuu noqonayo garsoorihii ugu horreeyey ee u dhashay waddanka Bosnia ee dhaxdhaxaadinaya kulan ka tirsan wareega 16ka Champions League.

Irfan Peljto ayaa waxa uu xirfadda tababarenimada kasoo bilaabay waddankiisa Borusnia oo sannadkii 2013 uu ciyaaraha hoyraalka heerka koowaad garsoore ka noqday, isaga oo rikoodhka ay u gashay ciyaartii uu ku bilowday shaqada ee kooxaha Rudar Prijedor vs Radnik Bijeljina.

39 jirkan ayaa wixii ka dambeeyey sannadkii 2015, waxa uu ka mid noqday garsooreyaasha caalamiga ah ee u diiwaangashan UEFA, iyadoo June 8, 2019 uu garsoore ka noqday ciyaar u dhaxaysay Belgium vs Kazakhstan, iyadoo ciyaartiisii koowaad ee Champions League ah uu qabtay November 24, 2021 oo loo dhiibay ciyaar u dhaxaysay Besiktas vs Ajax.

Xilli-ciyaareedkan socda, waxa uu garsoore ka ahaa kulankii Shakhtar Donstsk vs Barcelona ee November 2023, taas oo ay kooxda reer Ukraine 1-0 ku adkaatay, sidoo kalena bishii September ayuu hayay ciyaartii Feyenoord vs Celtic. Bil kaddib ayaa haddana Peljto loo dhiibay ciyaartii Union Berlin vs Napoli.

Illaa hadda garsoore Irfan Peljto ayaa waxa uu bixiyey siddeed kaadh oo huruud ah iyo laba kaadh oo casaan ah oo tartanka Champions League ah.

Real Madrid ayaa ku ducaysanaysa in garsoore Irfan Peljto uu il-naxariisleh ku eego Eduardo Camavinga oo uu ka ilaaliyo kaadhka sababtoo ah waxa uu ganaax ku seegi doonaa lugta labaad ee RB Leipzig haddii uu Salaasada kaadh qaato. Jude Bellingham oo isaguna afar kaadh haysta ayaa dhaawac ku maqan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*