Mohamed Salah, Dominik Szoboszlai Illaa Trent Alexander-Arnold – Xogta Xiddigaha Ka Dhaawacan Liverpool Iyo Waqtiyada Ay Soo Laabanayaan


Liverpool oo si degdeg ah ugu laabatay hoggaanka horyaalka Premier League Sabtidii saacado kooban kaddib markii ay Man City kala wareegtay hoggaanka, ayaa ka hor intii aanay u dabbaal-degin guushii ay ka gaadheen Burnley, waxa ay la murugoodeen dhaawac soo gaadhay difaacooda midig ee Trent Alexander-Arnold.

11 ciyaartoy oo muhiim ah oo kooxda koowaad ah ayaa Liverpool kaga maqnaa dhaawacyo, ganaax iyo sababo kale oo shaqsi ah ciyaartii Burnley ay 3-1 ku karbaasheen, waxaana tirada sii kordhiyey Trent Alexander-Arnold.

Liverpool oo isku diyaarinaysa ciyaarta Brentford ee Sabtida, waxa Liverpool ay filaysaa inay dib usoo dhoweyn doonto oo ay taam u noqon doonaan ciyaartooyo muhiim ah sida Mohamed Salah oo kasoo kabanaya dhaawac, Ibrahima Konate oo soo dhamaystay ganaaxa casaan la siiyey ciyaartii Arsenal iyo Conor Bradley oo uu aabbihii geeriyooday sababtaasna ku maqnaa labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Wali waxa jira ciyaartooyo kale oo muhiim ah oo ay Liverpool tebi doonto kulanka Brentford oo bilaabmi doona 3.30pm waqtiga Geeska Afrika maalinta Sabtida ee 17ka February,

Halkan kaga bogo waqtiga ay soo laabanayaan xiddigaha ka dhaawacan ama sababaha kale uga maqan Liverpool

1. Mohamed Salah – Brentford (A), February 17

Trent Alexander-Arnold – Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Alisson Becker – Brentford (A), February 17

Joe Gomez – Brentford (A), February 17

Ryan Gravenberch – Brentford (A), February 17

Dominik Szoboszlai –Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Thiago Alcantara – Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Stefan Bajcetic – Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Joel Matip – Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Ben Doak – Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*