Xiddig Muhiim Ah Oo Chelsea Ka Maqnaanaya Finalka Carabao Cup Ee Ay Liverpool Wada Ciyaari Doonaan


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waxa soo gaadhay jug culus, waxaana la xaqiijiyey in xiddig muhiim ah uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan muddo bil ah, taas oo ka dhigan in aanay laacibkan heli doonin ciyaarta finalka Carabao Cup ee Liverpool.

Chelsea iyo Liverpool ayaa garoonka Wembley ku ballansan 25ka February oo ay finalka Carabao Cup ku kala calaf-qaadi doonaan, waxaana Chelsea liiskeeda ka maqnaan doona difaaca reer France ee Benoit Badiashile.

22 jirkan ayaa waxa uu dhaawac muruqa ah kasoo gaadhay ciyaartii FA Cup ee ay guusha 5-0 ah kasoo gaadheen Aston Villa, waxaana baadhitaanno lagu sameeyey iyo sawirro laga qaaday ay muujiyeen in uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan afar usbuuc.

Benoit Badiashile ayaa ka sokow finalka Carabao Cup, waxa kale oo uu ka maqnaan doonaa ciyaarta Crystal Palace ee caawa ee horyaalka Premier League, Manchester City oo ay usbuuca dambe kusoo dhoweyn doonaan Stamford Bridge, ciyaarta FA Cup ee wareegga shanaad ee Leeds United iyo Brentford oo ay 2da March la ballansan yihiin.

Mauricio Pochettino ayaase rajaynaya in Benoit Badiashile uu taam u noqon doono ciyaarta Newcastle United ee March 11.

Badiashiel ayaa Chelsea ay £35 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Monaco bishii January ee 2023.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*