Manchester United Oo Taariikh Cusub Ka Samaysay Ciyaartii Aston Villa


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa taariikh ka samaysay ciyaartii horyaalka Premier Leagueee Axaddii ay guusha kaga soo gaadhay Aston Villa, waxaana taariikhdan ay ahayd mid aanay dad badan la soconin.

Red Devils ayay u ahayd guushii saddexaad oo xidhiidh ah ee ay soo hooyaan, waxaana libintooda go’aamiyey Scott McTominay oo kursiga kaydka uga soo kacay si uu kooxdiisa saddexda dhibcood gacanta ugu geliyo.

Rasmus Hojlund ayuu ahaa ciyaartoyga furay goolka ee dhaliyey goolkiisii 11aad ee xilli-ciyaareedkan, balse Douglas Luiz ayaa barbarreeyey oo waliba si weyn ugu dabbaal-degay.

Soctt McTominay waxa uu ahaa halyeyga, inkasta oo xiddiga garoonka loo magacaabay Harry Maguire oo shaqo adag ka qabtay khadka dambe ee difaaca.

Taariikhda la diiwaangeliyey ayaa waxa ay ahayd in Manchester United ay beddeshay sharaabaaddadeeda markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1957kii, kaddib markii ay isku ekaadeen Aston Villa.

Manchester United ayaa kulamada ay martida tahay waxa ay ciyaartoydeedu xidhaan dhar midabkoodu caddaan yahay iyo sharaabaaddo casaan ah, laakiin markan waxay isku mid noqdeen Aston Villa, waxaana lagu qasbay Man United inay xidhato sharaabaaddo caddaan ah.

Waxa Manchester United ugu dambaysay inay sharaabaaddo caddaan ah ku ciyaarto 67 sannadood ka hor oo ku beegnayd 1957kii, waqtigaas oo ay Real Madrid la ciyaareen semi-finalka European Cup oo ay waliba guul-darraysteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*