ISBARBAR-DHIG: Min Shanta Ciyaarood Ee Premier League Ee Kusoo Aaddan Liverpool, Man City, Arsenal, Tottenham, Aston Villa Iyo Man United – Yaa Dariiq Adag Maraya?


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa toddobaadkan guulo iskugu jawaabay kooxaha figta sare isku eryanaya ee Liverpool, Manchester City iyo Arsenal, sidoo kalena waxa libin soo hooyey Tottenham iyo Manchester United oo iyaguna ku dagaallamaya inay afarta sare ka mid noqdaan.

Manchester City oo Sabtidii si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka markii ay 2-0 ku garaacday Everton oo marti ugu ahayd Etihad Stadium, ayaa waxa saacado kooban gudahood kagala wareegtay Liverpool oo iyaduna dubatay Burnley oo marti ugu ahayd Anfield.

Laakiin natiijada ugu weyn ee laga diiwaangeliyey horyaalka Premier League toddobaadkan waxay ahayd xasuuqii ay Arsenal u geysatay West Ham oo iyadoo waliba marti ah kusoo garaacday 6-0, taas oo keentay in taageereyaashu ay waqti horeba iskaga dareeraan garoonka.

Haddaba, warbixinteennan waxaynu isku barbar-dhigaynaa min shanta ciyaarood ee horyaalka Premier League ee kusoo aaddan koox walba, iyadoo imtixaanno adag ay koox walba dhinaceeda u mari doonto.

Kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool waxay Sabtida la ciyaari doontaa Brentford, kaddibna Luton Town iyo Nottingham Forest ayay is-arki doonaan, waxaase ugu sii xigi doona laba ciyaarood oo adag oo ah Manchester City oo kusoo booqan doonta Anfield iyo Everton oo ay ugu tegi doonaan Goodison Park.

Manchester City waxa dhinaceeda ay Sabtida la ballansan tahay Chelsea oo ay walib ugu tegi doonto Stamford Bridge, kaddibna Brentford iyo Bournemouth ayay la ciyaari doontaa, ka hor inta aanay isku diyaarin labada ciyaarood ee adag ee Manchester United iyo Liverpool oo iskugu xigaya.

Arsenal ayaa waxay mari doontaa imtixaan ka fudud midka Liverpool iyo Manchester United, waxaanay Sabtida la dheeli doontaa Burnley balse Newcastle iyo Sheffield United ayaa iskugu xigaya, halka Brentford iyo Chelsea ay yihiin kulamada afraad iyo shanaad ee Gunners sugaya.

Halkan kaga bogo min shanta ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan kooxaha ugu sarreeya horyaalka Premier League

Liverpool – 1aad (54 dhibcood)

Brentford (Marti) Sabti17 Feb

Luton (Minan) Weds 21 Feb

Nottingham Forest (Marti) Sabti2 March

Man City (Minan) Axad 10 March

Everton (Marti) Axad 17 March

Man City – 2aad (52 dhibcood)

Chelsea (Marti) Sabti17 Feb

Brentford (Minan) Salaasa20 Feb

Bournemouth (Marti) Sabti24 Feb

Manchester United (Minan) Axad 3 March

Liverpool (Marti) Sun10 March

Arsenal – 3aad (52 dhibcood)

West Ham (Marti) Axad 11 Feb

Burnley (Marti) Sabti17 Feb

Newcastle (Minan) Sabti24 Feb

Sheffield United (Marti) Isniin 4 March

Brentford (Minan) Sabti9 March

Chelsea (Minan) Sabti16 March

Tottenham – 4aad (47 dhibcood)

Wolves (Minan) Sabti17 Feb

Crystal Palace (Minan) Sabti2 March

Aston Villa (Marti) Axad 10 March

Fulham (Marti) Sabti16 March

Luton (Minan) Sabti30 March

Aston Villa – 5aad (46 dhibcood)

Fulham (Marti) Sabti17 Feb

Nottingham Forest (Minan) Sabti24 Feb

Luton (Marti) Sabti2 March

Tottenham (Minan) Axad 10 March

West Ham (Marti) Axad 17 March

Manchester United – 6aad (41 dhibcood)

Luton Town (Marti) – February 18

Fulham (Minan) – February 24

Manchester City (Marti) – March 3

Everton (Minan) – March 9

Sheffield United (Minan) – March 16

Brentford (Marti) – March 30

Newcastle United – 7aad (36 dhibcood)

Bournemouth (Minan) – February 17

Arsenal (Marti) – February 24

Wolves (Minan) – March 2

Chelsea (Marti) – March 11

Crystal Palace (Marti) – March 16

West Ham United (Minan) – March 30

West Ham United – 8aad (36 dhibcood)

Nottingham Forest (Marti) – February 17

Brentford (Minan) – February 26

Everton (Marti) – March 2

Burnley (Minan) – March 10

Aston Villa (Minan) – March 17

Newcastle United (Marti) – March 30

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*