Maxaa La Filan Karaa Iyadoo Champions League Uu Soo Laabanayo Todobaadkan?


Wareega 16ka Champions League ayaa bilaabanaya Talaadada iyadoo kooxda koobka difaacaneysa ee Manchester City ay u safri doonto kooxda reer Denmark ee FC Copenhagen.

Arsenal ayaa ah kooxda kale ee Britian ee tartanka ku jirta iyagoo ka rajo qabo inay gaaraan wareega sideed dhamaadka markii ugu horeysay muddo 14 sannadood ah.

Kooxda ugu koobabka badan tartanka ee Real Madrid waxay wajahaysaa RB Leipzig laakiin lugta hore waxaa ka maqnaan doona laacibkooda Jude Bellingham oo dhaawac ah balse waxay ku rajo weyn yihiin inuu taam u noqdo lugta labaad.

Bellingham ayaa dhaliyay 20 gool islamarkaana caawiye ka noqday sideed kale 29kii kulan ee uu u saftay Los Blancos xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Barcelona ayaa wareega 16ka ku soo laabatay ka dib seddex sannadood oo ay ka maqnaayeen waxayna wajahayaan Napoli oo ka mid ah todoba kooxood oo wareega 16ka u soo gudbay oo aan waligood ku guuleysanin Champions League.

Labo ka mid ah kooxahaa waa Paris Saint-Germain iyo Real Sociedad kuwaasoo markii ugu horeysay abid isku arkaya tartan UEFA ah.

PSG waxay ka soo baxday Group F iyagoo xilli ciyaareedkii 12aad oo isku xigta soo gaaraya wareega 16ka halka Sociedad aan laga badinin xilli ciyaareedkoodii ugu horeysay ee Champions League ee muddo 10 sannadood ah.

Kooxdii finalka gaartay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee Inter Milan waxay wajaheysaa Atletico Madrid.

PSV Eindhoven, oo haatan hogaamineysa horyaalka Holland waxay dooneysaa inay gaarto wareega sideed dhamaadka markii ugu horeysay tan iyo 2007dii. Borussia Dortmund ayay wareega 16ka isku arkayaan.

Tartanka gooldhalinta

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay xiddiga Manchester City Erling Haaland ayaa ku guuleystay kabta dahabka markii uu dhaliyay 12 gool 11 kulan uu ciyaaray.

Xilli ciyaareedkan xiddiga reer Norway wuxuu dhaliyay shan gool shan kulan uu saftay isagoo ay isku mid yihiin xiddigaha Atletico Madrid Antoine Griezmann iyo Alvaro Morata iyo xiddiga Man United Rasmus Hojlund.

Inkastoo Hojlund kooxdiisa United ay tartanka ka hartay hadana Haaland wuxuu tartan kala kulmayaa xiddigaha kale ee weli tartanka ku jira.

Julian Alvarez, Gabriel Jesus, Jude Bellingham iyo Harry Kane ayaa iyagana leh min afar gool oo hal gool ka danbeeya Haaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*