Erik ten Hag Oo Ka Hadlay Ciyaaryahankii Aston Villa Ee Ku Hor Dabaaldegay Varane


Tababare Erik ten Hag ayaa qiray in dabaaldegii uu Douglas Luiz ku horsameeyay ciyaartoyda Man United inay sabab u noqotay in ciyaartoydiisa ay garaacaan Aston Villa oo ay soo yareeyaan farqiga dhibcaha ee kaalinta afaraad.

Xiddiga reer Brazil ayaa kansalay goolkii furitaanka ee Rasmus Hojlund qeybtii labaad ee ciyaarta, laakiin waxa uu ka careysiiyay ciyaartoyda Man United isagoo ku hor dabaaldegay Raphael Varane.

Markii Scott McTominay uu Man United goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii 86aad, Varane ayaa ka aargutay Luiz taasoo keentay inay labada ciyaaryahan isku dhacaan iyadoo garsoore Rob Jones uu soo dhex galay.

Ten Hag ayaa sheegay in dabaaldegii xushmad darrada ahaa ee uu sameeyay Luiz inay kicisay ciyaartoydiisa taasoo keentay inay seddexda dhibcood ku qaataan Villa Park.

“Waxba kama sheegi karo dabaaldegii uu sameeyay” ayuu yiri tababaraha Man United. “Kalama hadlin ciyaartoyda, laakiin waxay u aheyd arin kicisay.

“Uma maleynayo inay muhiim tahay. Waa inaan nafteena ka hadalno. Waa inaan ka fekerno ciyaarteena ee ma ahan inaan ka fekerno kooxda naga soo horjeeda.”

Halyeeyga Man United Rio Ferdinand ayaa ku maadeystay Douglas Luiz ciyaarta ka dib isagoo sawirka dabaaldegiisa soo dhigay Twitter wuxuuna ku qoray: “waa sidee xaalkaaga hadda?”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*