Saxeexa Ay Ku Dagaallamayaan Man United, Chelsea Iyo Man City, Xiddiga Premier League Ee Ay Kala Jiidanayaan Liverpool & Arsenal, Mbappe Oo War Cusub Kasoo Kordhay Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Arsenal iyo Chelsea ayaa ka mid noqday kooxaha sida dhow ula socda xiddiga Athletic B ilbao iyo xulka Spain garabka uga ciyaara ee Nico Williams oo ah 21 jir asal ahaan kasoo jeeda waddanka Ghana oo uu walaalkii Inaki Williams u ciyaaro, laakiin isagu doortay inuu u dheelo xulka qaranka Spain. (Fabrizio Romano)

Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood xiisaynaya saxeexa xiddiga reer Japan ee Karaoru Mitoma oo ah 26 jir u ciyaara Brighton oo la sheegay in ay kooxdiisu iibin doonto xagaaga. (Fichajes)

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti waxa uu tibaaxay in kooxdiisu aanay u baahnayn inay la saxeexato Kylian Mbappe xagaaga, waxaana uu ammaa n ugu qubeeyey Vinicius Junior oo uu sheegay inuu yahay ciyaartoyga lixaad ee ugu wanaagsan adduunyada. (Goal)

Weeraryahan ka Portugal iyo kooxda Wolves ee Pedro Nqeto oo 23 jir ah ayaa la filayaa in uu dalabyo ka helo Liverpool iyo Arsenal xagaaga foodda inagu soo haya. (Football Insider)

Agaasimaha ciyaaraha Bayer Leverkusen ee Simon Rolfes ayaa rumaysan in tababare Xabi Alonso uu sii joogi doono kooxdaas xilli-ciyaareedka dambe, inkasta oo ay si weyn u doonayso Liverpool oo u aragta beddelka Jurgen Klopp. (Sport1)

Dheemanka AC Milan ee Francesco Camarda ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxeexi doonaa kooxdaas marka ay da’diisu noqoto 15 jir bisha dambe, waxaana sidaas ku quusan doona Manchester City iyo Borussia Dortmund oo doonayey inay la saxeexdaan. (Calciomercato)

Barcelona ayaa go’aansatay in ay sii haysato weeraryahanka reer Spain ee Ferran Torres oo 23 jir ah, waxaana ay diidi doonaan inay iibiyaan xagaaga. (Mundo Deportivo)

Jose Mourinho oo 61 jir ah, waxa uu diyaar u yahay inuu noqdo tababaraha Bayern Munich haddii ay kooxdaasi erido Thomas Tuchel oo 50 jir ah. (Bild)

Liverpool waxay diyaarisay heshiis cusub oo ay u bandhigayso difaaceeda midig ee Trent Alexander-Arnold oo 25 jir ah, si uu waqti dheer usii joogo Anfield. (Football Insider)

Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas oo 61 jir ah ayaa sheegay, in xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi uu qarka u saarnaa inuu kusoo laabto Barcelona xagaagii dhowaa, ka hor intii aanu u wareegin Inter Miami. (Mirror)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*