Barcelona Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Arrinta Jose Mourinho


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay wararka sheegaya in ay tababarahooda beddelaya Xavi Hernandez u magacaabayaan Jose Mourinho oo shaqo la’aan ahaa tan iyo bishii hore oo ay kooxda AS Roma shaqada ka caydhisay.

Barcelona ayaa waxa dhamaadka xilli-ciyaareedka ka tegi doona Xavi Hernandez, waxaanay raadinayaan tababare cusub, iyadoo saxaafadda qaarkeedna ku warrantay in macallimiinta suurtogalka ay tahay inay la wareegto kooxdaas uu ku jiro Jose Mourinho.

Warkan ayaa waxa dabka kusii shiday markii uu tababarahan hore ee Real Madrid ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Barcelona, halkaas ay saxaafaddu ku sawirtay isaga oo gudaha usii gelaya magaalada.

Barca ayaa ka jawaabtay hadal-haynta sheegaysa in Jose Mourinho loo magacaabayo kooxdooda, waxaana saxaafadda la hadlay Deco oo uu hore tababare ugu soo noqday isla markaana qayb ka ahaa xiddigihii FC Porto ee ku guuleystay Champions League.

Deco oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Mourinho waa saaxiibkay oo aad u wanaagsan, laakiin muddo dheer lama hadal. Annagu waxa aanu raadinaynaa tababare la qabsan kara xaaladda kooxda oo sii wadi kara horumarinta ciyaartoyda da’yarta ah ee aanu haysano.”

Jose Mourinho oo hore uga soo shaqeeyey Barcelona waqtigii uu Louis van Gaal ahaa tababaraha kooxda, isla markaana ku jiray murashaxiinta markii uu Barcelona ka tegay Frank Rijkaard, ayaa hadalka Deco uu ka dhigan yahay in aanu ku habboonayn qaab-ciyaareedkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*