Muxuu Yahay Kaadhka Buluuga Ah Ee Ay Garsoorayaasha Isticmaali Doonaan Xilli Ciyaareedka Danbe? Sharciga Cusub Ee La Dhaqangelinayo


Kaadh buluug ah ayaa lagu soo kordhin doonaa kubada cagta taasoo qeyb ka ah sharci cusub oo lagu soo daray xeerka kubada cagta, waana midabkii ugu horeeyay ee cusub ee kubada cagta lagu soo kordhiyo muddo 50 sannadood ah.

Sida ay sheegtay The Telegraph, waxaa sharcigaan cusub ku dhawaaqi doonta Guddiga Caalamiga Ah Ee Kubada Cagta ee dejiyada sharciyada maalinta Jimcaha, waxayna qeyb ka tahay in ciyaartoyda ciyaarta laga saaro muddo 10 daqiiqo ah haddii ay qalad xun galaan ama la doodaan garsoorayaasha.

Kaadhkaan wuxuu noqon doonaa mid cusub oo ciyaartoyda looga saaro ciyaarta, haddii ciyaaryahanka uu labo jeer qaato kaadh buluug ah wuxuu qaadanayaa casaan, wuxuu sidoo kale casaan qaadanayaa haddii uu isku darsado buluug iyo jaale.

Kaadhka buluuga ah waxaa loo isticmaali doonaa qaladaadka ka weyn midka hurdiga ama jaalaha islamarkaana aan gaarsiisneyn casaan. Taasoo ka dhigan in ciyaaryahankii kaadhka buluuga ah loo taago inuu ciyaarta ka baxayo muddo 10 daqiiqo ah ka dibna uu ku soo laabanayo sida ciyaarta kubada kolayga.

Kaadhka buluuga waxaa tusaale loogu soo qaatay ciyaartii Italy iyo England ee Koobka Qaramada Yurub markii Chiellini uu maaliyada ka jiiday Bukayo Saka. Daafaca Talyaaniga wuxuu qaatay jaale waqtigaas, laakiin sharcigaan cusub waxaa la siin lahaa kaadh buluug ah taasoo ciyaarta ka saari laheyd muddo 10 daqiiqo ah.

Tartamada lagu tijaabi doono sharcigaan cusub xilli ciyaareedka soo socda waxaa ka mid ah FA Cup-ka iyo tartamada kubada cagta dumarka.

Waxaa isna tijaabo ku jira kaadh cadaan ah oo loogu talogalay in lagu dhiirogeliyo ciyaartoyda ciyaar wanaaga muujisa.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*