Jurgen Klopp Oo Ogolaaday Inuu Noqdo Tababaraha Koox Wey Xilli-ciyaareedka Dambe


Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa isbeddel ku samayn doona qorshihiisii ahaa inuu galo sannad nasasho ah marka uu ka tago kooxdiisa Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan, sida uu hore u shaaciyey, laakiin waxa arrintan ku iman doona isbeddel sababtoo ah shaqo weyn oo uu niyadda ku hayo ayaa loo diyaariyey.

Jurgen Klopp oo tan iyo sannadkii 2015 ahaa tababaraha Liverpool, ayaa waxa uu sheegay inay ka dhamaatay tamartii uu kusii wadi lahaa shaqada, sidaas daraadeedna uu ka tegi doono kooxdiisa Liverpool.

Macallinka reer Germany oo sagaalkii sannadood ee uu joogay Liverpool ku guuleystay Champions League, Premeir League, FA Cup, Carabao Cup, Club World Cup, Community Shield iyo koobab kale, ayaase isbeddel ku samayn doona qorshihiisa oo xilli-ciyaareedka dambeba la arki doonaa isaga oo hoggaaminaya koox weyn oo uu degdeg u ogolaan doono, waase haddii uu dalab ka helo.

Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Gerard Romero, Jurgen Klopp ayaa ogolaanaya in aanu nasasho gelin oo uu noqdo tababaraha Barcelona oo uu si degdeg ah u aqbali doono haddii ay kooxdani la xidhiidho.

Romero waxa uu intaa ku daray, in Barcelona ay tahay kooxda kaliya ee uu Jurgen Klopp doonayo in uu xataa uga tanaasulo fasaxa uu muddada dheer ku taamayey ee ah in uu waqti ka nasto, si uu ugu beddelo Xavi Hernandez oo shaaciyey inuu ka tegi doono kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

1 Comment

  1. Saed osman oo jooga berbera somaliland
    Jurgen klopp waa macalin wayn oo ay xusi doonto liverpool maskaxdeedna ku jiri doona waa macalinkii sumacada kooxda sare uqaday kana dhigay koox adag oo laga cabsado way tabi dooonta liverpool iyo nadiyadii kale ee uu cadadiska ku hayn jirey sida peep gardiola oo kale

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*