Zidane, Mourinho mise…? Emmanuel Petit Oo Magacaabay Tababaraha Badbaadin Karaya Chelsea


Halyeyga reer France ee Emmanuel Petit ayaa sheegay, in uu ku dawakhay oo aanu wax fikrad ah ka haysanin, ‘waxa uu doonayo in uu sameeyo tababare Mauricio Pochettino’ oo ay kooxdiisu hoos usii socoto, isla markaana kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League u dhacday.

Emmanuel Petit oo khadka dhexe uga ciyaari jiray Chelsea waxa uu maamulka kooxda u tilmaamay tababaraha uu rumaysan yahay in uu badbaadin karayo kooxdaas, isaga oo kula taliyey inay shaqada ka caydhiyaan Pochettino.

Chelsea ayaa inkasta oo ay lacag ka badan £1 bilyan oo Gini kharash garaysay tan iyo markii uu Todd Boehly yimid, waxay haddana awoodi la’dahay in ay xataa tobanka kaalmood ee sare ku dhamaysato.

Laba guul-darro oo isku xigay oo ay kala kulmeen Liverpool iyo Wolves, ayaa waxa uu ay sababtay in ay kaalinta 11aad u dhacaan, waxaanay hal buundo ka sarreeyaan halkii uu Graham Potter oo lix bilood ka hor la eryey ay ku dhamaysteen xilli-ciyaareedkii hore.

Emmanuel Pitit oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Aad ayaan uga niyad-jabay bandhigga Chelsea ee ciyaartii Wolves. Waxay u muuqdeen kuwo kala daadsan, xeeladdoodu qasan tahay, aan lahayn niyad ay ku dagaallamaan, aan xidhiidh lahayn, dhaqanna lahayn. Waxa aan dareemay niyad-jabka haysta taageereyaasha Chelsea. Waxa aan ka fikirayay, muxuu Chrisophter Nkunku uga dhigay weeraryahanka dhexe ee kaliya? Miyaanu ogeyn waxa uu Nkunku samayn karayo? Waqtigiisii Germany iyo France waxaynu ogeyn in aanu kalidii ka ciyaari karayn afka hore. Waxa uu aad ugu fiican yahay inuu ka ciyaaro No.10 ama ciyaartoy kale kala dheelo afka hore.”

Petit waxa uu intaa kaddib u tilmaamay Chelsea tababaraha ay tahay inay u magacaabaan kooxda, waxaana uu u sheegay in Jose Mourinho uu yahay macallinka ugu habboon waqtigan maadaama uu shaqo la’aan yahay oo dhowaan ay eriday AS Roma, isla markaana uu kooxda hore ugu qaaday siddeed koob.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*