DEG-DEG: Ivan Toney Oo Ka Tegaya Brentford Iyo Kooxda Uu Kusii Jeedo


Tababaraha kooxda kubadda cagta Brentford ayaa shaaciyey, in dhamaadka xilli-ciyaareedkan uu kooxdiisa ka tegi doono weeraryahanka reer England ee Ivan Toney oo ay iibin doonaan, kaas oo ay raadinayaan kooxo waaweyn oo horyaalka Premier League ah.

Thomas Frank oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay, in Toney uu bilihii ugu dambeeyey ku qaadan doono kooxda Bees oo ay iibin doonaan, taas oo soo afjari doonta muddo la filayey in laacibkan uu ka dhaqaaqo kooxdiisa maadaama ay kooxo waaweyn u gacan haadinayaan.

Wargeyska Tipsbladet ayaa uu la hadlay Thomas Frank, waxaanu yidhi: “Way iska caddahay in Ivan Toney la iibin doono xagaaga. Waa arrin caadi ah sababtoo ah sannad ayaa ka hadhsan qandaraaska uu nagula jiro. Waxa kale oo aanu ognahay waxa uu qiimihiisu yahay, waanaynu arki doonaa.”

Mar la weydiiyey sababta ay bishii January u iibin waayeen, waxa uu ku jawaabay: “Jiilaalkan, ma aanaan helin wax dalab ah oo laga soo gudbiyey, laakiin layaab ayay igu noqon doontaa haddii ay kooxo badan soo dalban waayaan bisha July.

“Ilama aha inay adduunyada joogaan weeraryahanno b adan oo sida Ivan Toney oo kale u fiican.”

Labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Ivan Toney oo dhowaan dib ugu soo laabtay garoomada kaddib siddeed bilood oo laga ganaaxay ciyaaraha kubadda cagta markii lagu helay inuu sameeyey khamaar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*