Lacagta Chelsea Loo Ogolaanayo Inay Kharash Garayso Haddii Ay Ku Guuleysato Carabao Cup


Kooxda kubadda cawta Chelsea ayaa loo ogolaan doonaa inay samayso saxeexyo haddii ay ku guuleysato koobka Carabao Cup oo finalka ay dhamaadka bishan la ciyaari doonaan Liverpool.

25ka February ayaa Chelsea ay la ciyaari doontaa Liverpool oo aan wax koobab ah ku guuleysanin tan iyo sannadkii 2022 oo finalka FA Cup ay ku garaacday Blues oo rikoodheyaal ay ku kala baxeen.

Maurico Pochettino ayay u tahay fursad weyn oo uu ugu guuleysan karo koobkiisii ugu horreeyey ee gudaha England maadaama aanu hore nasiib ugu yeelanin inuu kooxdiisii hore ee Tottenham wax koob ah u qaado. Waxa kale oo uu ciyaartoyda kooxdiisa u noqon doonaa niyad-dhis ay ugu dagaallamaan inay dib uga soo kabtaan oo ay natiijooyin fiican ka keenaan horyaalka Premier League.

Haddii Chelsea ay ku guuleysato tartanka Carabao Cup, waxay kasoo qayb-geli doonaan tartanka UEFA Conference League xilli-ciyaareedka dambe, iyagoo sidoo kale lasiin doono lacag dhan £15 milyan oo Gini.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, Chelsea oo ay ku socdaan baadhitaannada ah inay jabisay sharciga dhaqaalaha, ayaa waxa uu sharcigu dhigayaa in kooxuhu ay kaliya kharash garayn karaan 80% dakhliga soo gala, kharashkaasina waxa uu iskugu jirayaa mushaharka ciyaartoyda, shaqaalaha, kharashaadka kale iyo saxeexyada.

Chelsea ayaa la filayaa in dakhligeeda sannadkan uu ka hoosayn doono £450 milyan oo Gini, waxaana ugu badnaan ay mushaharka ciyaartoydooda, saxeexyada iyo kharashaadka kale u isticmaali karayaan £360  milyan oo Gini.

Waxay tani ka dhigan tahay, in kaliya Blues loo ogolaan doono inay £10 milyan oo Gini ciyaartooyo ku iibsato, maadaama mushaharka iyo kharashka kale ee kooxdu uu noqonayo kudhowaad £350 milyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*