Man United Oo La Ciyaartoy La Saxeexanaysa, Xiddigaha Iskaga Tegaya Chelsea, Liverpool Oo Isha Ku Haysa Chiesa Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Khadka dhexe ee reer Argentina ee Enzo Fernandez oo 23 jir ah ayaa ka fiirsanaya inuu iskaga tago Chelsea oo kaliya sannad ka hor £107 milyan oo Gini kusoo iibsatay, taas oo uu u saxeexay heshiis siddeed sannadood iyo badh ah. (Football Tranfers)

Ciyaartoyda Chelsea waxay ka cabanayaan tababare Mauricio Pochettino iyo shaqaalihiisa tababarka oo ay sheegayaan in farsamadoodu liidato, iyadoo saxeexyadii cusbaa ay qoomamaynayaan inay heshiisyo dhaadheer u saxeexeen Blues. (Athletic)

Liverpool waxay la xidhiidhay tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso si uu ugu noqdo beddelka Jurgen Klopp oo ka tegi doona dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Footmercato)

Manchester United waxay doonaysaa in ay diiradda saarto saxeexyada ciyaartoyda ay da’doodu yar tahay, waxaanay diiraddoodu saaran tahay Michael Olise oo 22 jir ah una ciyaara Crystal Palace iyo difaaca Everton ee Jarrad Branthwaite oo 21 jir ah. (inews)

Manchester United wali lama aanay saxeexanin 19 jirka reer Brazil ee Savio ee garabka weerarka uga ciyaara kooxda Girona oo amaah kaga soo qaadatay Troyes, laakiin waxa wali socda wada-hadallo ay City ku doonayso iibka laacibkan. (ESPN)

City ayaa laga doonayaa inay Premier League u gudbiso caddaymo buuxa oo ah qiimaha suuqa ee Savio iyo lacagta ay kaga soo iibsanayso Troyes, maadaama uu shaki ku jiro iibka laacibkan. (Telegraph)

PSG waxay dalab ka gudbinaysaa weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford oo 26 jir ah, si uu ugu beddelo Kylian Mbappe oo la filayo inuu ka tago dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (CaughtOffside)

AC Milan waxay wali xiisaynayaa difaaca Fulham ee Tosin Adarabioyo oo ah 26 jir rer England ah, waxaanay si bilaash ah ay ku qaadan karaan dhamaadka xilli-ciyaareedka oo uu qandaraaskiisu ku egyahay. (Calciomercato)

Tiro kooxo horyaalka Premier League ah ayaa doonaya difaaca 17 jirka ah ee usoo baxay Barcelona ee Pau Cubarsi oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo £8.5 milyan oo Gini. (ESPN)

Weeraryahanka Manchester United ee Mason Greenwood ee amaahda ugu maqan Getafe, ayaa ka mid noqday liiska ciyaartoyda ay doonayso Atletico Madrid xagaaga soo socda. (Telegraph)

Manchester United waxay isku dayi doontaa inay la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich ee Joshua Kimmich iyo weeraryahanka Lille ee Jonathan David oo 24 jir ah iyo waliba khadka dhexe ee Nice iyo xulka France ee Khefphren Thuram oo 22 jir ah. (ESPN)

Liverpool waxay si dhow ula socotaa xiddiga Juventus iyo xulka Talyaaniga ee Federico Chiesa oo 26 jir ah. (HITC)

Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo 23 jir ah, ma qorshaynayo inuu ka tago kooxdiisa Manchester City, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu u wareegi doono Real Madrid. (Football Insider)

Arsenal waxay wada-hadallo kula jirtaa 19 jirak reer England ee garabka weerarka ee Amario Cozier-Duberry oo 18 jir ah, kaas oo ay sidoo kale doonayaan Newcastle, Ajax, Borussia Dortmund, Wolves iyo Anderlecht. (Fabrizio Romano)

Manchester United waxay doonaysaa garabka kooxda FC Copenhagen ee Rooney Bardghji oo 18 jir ah. (Sun)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*