Nacho Oo Liiska Dhaawacyada Kula Biiray Rudiger, Alaba Iyo Militao – Maxaa Carlo Ancelotti U Qorshaysan Kulanka Girona?


Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maanta kusoo laabtay tababarka kaddib laba maalmood oo fasax ahaa oo ay galeen markii ay barbarraha 1-1 ah la galeen Atletico Madrid maalintii Axaddii, waxaana ka maqnaaday Antonio Rudiger oo aan wali kasoo kabanin dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Getafe, isla markaana seegay kulankii Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa filaysay in Rudiger uu taam noqon doono iyadoo lagu soo daray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulankii Atletico Madrid ee Axaddii, laakiin waxa laga saaray mar dambe maadaama aanu taam ahayn.

Vincius Junior oo sidoo kale dhaawac ku seegay ciyaartii Atletico Madrid ayaa ka maqnaaday tababarka maanta oo aan la ogeyn inuu diyaar u noqon doono kulanka Girona maadaama uu afartii maalmood ee ugu dambeeyey ka maqnaa tababarka.

Sadex tababar oo kaliya ayay ciyaartoyda Real Madrid samayn doonaan ka hor kulanka Girona ee Sabtida, waxaana sidoo kale tababarka maanta ka maqnaaday difaaca kaliya ee ay Real Madrid haysato ee Nacho Fernandez oo la sheegay inay jugo kasoo gaadheen ciyaartii Getafe.

Real Madrid oo ay hore uga dhaawacnaayeen Eder Militao iyo David Alaba ayaa waxa suurtogal ah in Nacho iyo Rudiger na ay ka maqnaadaan ciyaarta Girona oo laba dhibcood oo kaliya ka hoosaysa.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa haddii ay maqnaadaan Rudiger iyo Nacho, waxa uu difaaca dhexe ka ciyaarsiin doonaa Carvajal iyo Tchouameni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*