Suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January ayaa u jirta usbuucii ugu dambeeyey, waxaanay kooxaha Yurub ku mashquulsan yihiin sidii ay ula soo wareegi lahaayeen saxeexyada ay u baahan yihiin, si ay qaybta dambe ee xilli-ciyaareedkan si adag ugu tartami karaan.
Kooxihii dhibaatooyinka dareemayay, amaba ay u muuqatay inay meelo ka liigayaan isla markaana haysatay awoodda dhaqaale ayaa mar horeba la saxeexday ciyaartoydii ay u baahnaayeen, inkasta oo kooxuhu ay waqtigan ku faro adaygaan ciyaartoydooda muhiimka ah oo aanay iibin.
Goorma ayuu xidhmayaa suuqa iibka ciyaartoyda ee January?
Maalinta Khamiista ee ay taariikhdu tahay February 1, ayaa uu soo gabogaboobi doonaa suuqa iibka ciyaartoyda oo ay kooxuhu ka adeeganayeen afartii usbuuc ee ugu dambeeyey, waxaana kooxaha Yurub oo dhan ay ku xisaabtamayaan saacadaha kooban ee ka hadhsan.
Marka ay saacadda UK tahay 11pm ee ku beegan 2am (labada habeennimo ee saqda dhexe ee Geeska Afrika), ayaa albaabada loo laabi doonaa suuqa iibka ciyaartoyda, waxaana isku maalin ay kooxaha horyaallada La Liga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1 ay faraha kala bixi doonaan suuqa.
Be the first to comment