Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa kubbada go’aanka mustaqbalka u dhiibay Luka Modric oo uu labadii ciyaarood ee ugu dameeyey ee Almeria iyo Las Palmas ku illoobay kursiga kaydka, kaas oo uu xusay in hadda uu go’aanku gacantiisa ku jiro.
Luka Modric ayaa hadal-hayn badan ka abuuray Real Madrid markii xataa hal daqiiqo loo diiday kulamadii Las Palmas iyo Almeria oo ay Real Madrid waqti dambe guulo soo laabasho ah gaadhay.
Qandaraaska Luka Modric ee Real Madrid ayaa ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana jira warar sheegaya inay suurtogal tahay inuu iskaga tago Santiago Bernabeu bishan January, balse uma badna inay sidaasi dhacayso.
Tababare Carlo Ancelotti oo horraantii toddobaadkan ka hadlayay sababtii uu xataa isku kulayn waayey Luka Modric ayaa yidhi: “Uma baahni in uu iskululeeyo mar haddii aanan hubin in uu soo gelayo ciyaarta. Anigu ixtiraamka ugu badan ayaan u hayaa Modric.”
Si kastaba, shirkii jaraa’id ee maanta ee ka hor ciyaarta Arbacada ee Getafe ayaa Carlo Ancelotti lagu weydiiyey su’aal ahayd: “Ma jeclaan lahayd in Modric uu heshiiska cusboonaysiiyo?”, waxaanu Ancelotti ku jawaabay: “Isagu waa halyeyga Real Madrid iyo halyey kubadda cagta ah. Go’aanka xilli-ciyaareedka dambe isaga ayaa gaadhay.”
Hadalka Carlo Ancelotti ayaa loo fasirtay inuu ka gaabsanayo inuu ka hadlo mustaqbalka laacibkan oo sannadkiisii 11aad ku qaadanaya Real Madrid.
Be the first to comment