Top 10: Tobanka Ciyaartoy Ee Afrikaanka Ah Ee Ugu Mushaharka Badan Oo La Shaaciyey – Yaa Kaalinta 1aad Ku Jira?


Ciyaartooyo badan oo waaweyn ayaa ka tegay kooxahooda horraantii bishan January, waxaanay iska xaadiriyeen tartanka qaramada Afrika ee ka socda waddanka Ivory Coast, halkaas oo ay siddeed dal iskugu soo hadheen.

Waxa ciyaartoyda halkaas tegay ku jira kuwo mushaharooyin xad-dhaaf ah ka qaata kooxahooda qaaradaha Yurub iyo Asia, iyadoo xiddigaha Afrikaanka ay intooda badan muujiyeen in sidii ay u samayn lahaayeen dhaqaale ay mudnaantooda koowaad tahay, si ay u caawiyaan dadkooda.

Waxa ciyaartoyda mudnaanta siiyey dhaqaalaha ka mid ah Sadio Mane, Kalidou Koulibaly, Riyad Mahrez iyo kuwo kale, halka xagaagana la filayo in Mohamed Salah iyo Victor Osimhem ay ku biiraan ciyaartoyda lacagta badan samaynaya, inkasta oo xiddiga reer Masar uu haddaba lacago tobannaan milyan ah helo sannadkii.

Daraasad lagu sameeyey mushaharka ay qaataan ciyaartoyda Afrikaanka ah, ayaa waxa lagu soo xulay tobanka ugu sarreeya, waxaana tobankaas kaalinta ugu hooseeya fadhiya goolhayaha reer Senegal ee Eduard Mendy oo xagaagii ka tegay Chelsea una wareegay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ahli oo uu ka qaato mushahar dhan £181,000 Gini toddobaadkii.

Weeraryahanka Ghana iyo kooxda Athletic Bilbao ee Inaki Williams ayaa kaalinta sagaalaad fadhiya oo toddobaadkii u xaadira £187,000 Gini, halka weeraryahanka xulka Nigeria ee Victor Osimhem ay Napoli toddobaadkii siiso £211,000 Gini.

Weeraryahanka reer Ivory Coast ee Sesko Fofana ayaa kaalinta lixaad fadhiya, waxaanay Al-Nassr oo ay u wada ciyaaraan Cristiano Ronaldo uu ka qaataa £250,000 Gini toddobaadkii, halka Mohamed Salah uu shanaad ku jiro oo uu £350,000 Gini ka qaato Liverpool usbuucii.

Saddexda boos ee ugu dambeeya waa ciyaartoyda afrikaanka ah ee ka dheesha horyaalka waddanka Sucuudiga, waxaana saddexaad fadhiya Kalidou Koulibaly oo kooxda Al-Hilal ay toddobaadkii siiso £570,000 Gini, Sadio Mane oo Al-Nassr ah oo qaata £657,000 Gini toddobaadkii iyo garabka weerarka xulka Algeria ee hore ugu ciyaari jiray Manchester City ee Riyad Mahrez oo toddobaadkii ay Al-Ahli siiso lacag dhan £860,000 Gini.

Halkan kaga bogo tobanka ciyaaroy ee ugu mushaharka badan ciyaartoyda Afrikaanka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*