Jude Bellingham Illaa Caceido – Jurgen Klopp Oo Magacaabay Xiddigihii Uu Doonayey Inuu Keeno Liverpool Ee Uu Ku Guul-darraystay


Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay in bartilmaameedkiisa koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii tegay uu ahaa xiddiga reer England ee Jude Bellingham ee ay Real Madrid awoodda dhaqaale kaga hor=qaadday, sidoo kalena waxa uu sharraxay sidii ay Liverpool nasiibka ugu yeelan weyday Moises Caicedo oo ay doonayeen inuu u noqdo beddelka Fabinho oo ka tegay waddanka Sucuudiga.

Klopp ayaa sheegay, in kooxdiisu ay si dhab ah ugu tartantay Jude Bellingham, laakiin ay markii dambe u jeedsadeen dhinaca Moises Caicedo oo isaguna ka doortay inuu tago Chelsea oo lacag rikoodh jabis ah dul-dhigtay.

Waxa kale oo uu soo qaaday Romeo Lavia oo si aad ah loola xidhiidhinayay Liverpool laakiin isagana ay ka hor qaadday Chelsea, waxaana isaga oo arrimahan ka hadlaya uu yidhi: “Waa run, waanu doonaynay Bellingham, laakiin markii aanu xaqiiqsanay in aanaan helaynin ayaanu u jeedsanay Caicedo, laakiin isaguna heshiis dareen ah ayuu mar horeba lasii gaadhay Chelsea iyo Mauricio Pochettino. Kaddib Lavia ayaanu isku daynay balse isaguna waxa uu lahaa sababihiisa, markaa halkaas ayaanu istaagnay. Kaddib waxa aanu helnay xalkayaga ugu sarreeya.”

Jurgen Klopp ayaa waxa kale oo uu ka hadlay xiddigaha ay la saxeexdeen xagaagii, waxaanu yidhi: “Waxa aanu helnay Wataru Endo, waxa aanu ogeyn in Alexis Mac Allister uu booskaas (kubbad-burburiye) ka ciyaari karayo, Dominik Szoboszlai isaga mar walba diiraddaydu way saarnay.

“Haddii aad samayso saxeex  £100m milyan ah oo uu kuu shaqeeyo, waxa aan kuu shaqayanyn kuwa kale, markaa waxa aanu ahayn koox nasiib badan, wax walbana way noo shaqeeyeen.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*