RASMI: Isku-aadka Wareegga Shanaad Ee FA Cup Oo Lasoo Saaray – Yey Ku Dhaceen Liverpool, Man United, Chelsea Iyo Man City?


Isku-aadka wareegga shanaad ee tartanka FA Cup ayaa la shaaciyey, waxaana kala badbaaday kooxihii kala ducaysanayay ee Manchester City, Liverpool, Chelsea oo aanay wali soo kala bixin Aston Villa iyo Manchester United oo mid walba ay ku dhacday koox kale, taas oo haddii ay soo gudbaan abuuri doonto in wareegga siddeed-dhamaadka ay kooxaha waaweyn afka iska galaan.

Kulamada wareegga shanaad ee FA Cup ayaa bilaabmi doona maalinta Isniinta ah ee February 26, iyadoo usbuuc-dhamaadkaas lasoo gabogabayn doono.

Chelsea iyo Aston Villa ayaa ciyaartooda ku-celiska ah ee ay ku kala baxayaan waxay ciyaari doonaan 7da March, waxaana sidaas oo kale ah naadiyada kale ee ku kala bixi waayey kulamadoodii usbuucan.

Kooxda toddobada jeer ku guuleysatay FA Cup ee Manchester City oo 1-0 kaga soo adkaatay Tottenham ayaa waxa ay wareegga shanaadku dhacday Luton Town, halka Liverpool oo soo karbaashtay Norwich ay la ciyari doonto Watford ama Southampton midkooda soo gudba, iyadoo Manchester United ay safar ugu tegi doonto Bristol City iyo Nottingham Forest midkooda soo gudba marka ciyaartooda ku celiska ah toddobaadka dambe ay dheelaan.

Kooxda heerka lixaad ee Maidstone oo lagu tilmaamay mucjisada FA Cup ee sannadkan, isla markaana 2-1 kusoo garaacday Ipswich Town oo heerka labaad ah maalintii Sabtidii ayaa waxa ay ku beegantay kooxaha heerka labaad ee Sheffield United iyo Coventry City midkooda soo gudba.

Isku-aadka wareegga shanaad ee FA Cup oo dhamaystiran

Blackburn/Wrexham vs Newcastle

Chelsea/Aston Villa vs Leeds/Plymouth

Bournemouth vs Leicester

Liverpool vs Watford/Southampton

Bristol City/Nottingham Forest vs Manchester United

Wolves vs Brighton

Sheffield Wednesday/Coventry vs Maidstone United

Luton Town vs Manchester City

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*