Hojlund, Antony Iyo Mainoo Oo Manchester United U Diray Wareegga 16ka FA Cup


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa iska xaadirisay wareegga shanaad ee tartanka FA Cup oo ay 16 kooxood oo isku-aadkoodana fiidkii lasii sameeyey, sida aad goordhow ka akhrisan doonto halkan.

Xiddigo soommanaa ayaa Manchester United ka caawiyey inay 4-2 ku garaacdo kooxda yar ee Newport, iyagoo laba gool oo daran-doorri ahaa oo ay la hormareen bilowgii laga daba yimid.

Bruno Fernandes ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United daqiiqaddii 7aad ee bilowga ciyaarta, kaddib baas uu xerada ganaaxa dhaxdeeda kaga helay xiddiga Brazil ee Antony oo sameeyey caawintiisii koowaad ee xilli-ciyaareedkan kala-badhka dhaafay.

Lix daqiiqadood kaddib ayay Manchester United ciyaarta ka dhigtay 2-0, markaas oo uu Kobbie Mainoo saxeexay goolkiisii koowaad ee uu u dhaliyo kooxda koowaad ee Manchester United, waxaana kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Diogo Dalot uu usii raaciyey dhinaca goolka, taas oo iyadoo dhulka socota shabaqa soo taabatay.

Manchester United ayaa is-dhiibtay markii ay labada gool ku dhaliyeen 13ka daqiiqadood ee ugu horreeyey, waxaanay ogolaadeen in Newport ay markeeda shaqaysato oo ay goolal dhashato.

Daqiiqadihii 36aad iyo 47aad ayay kooxda martida loo ahaa ee Newport la timid laba gool oo ciyaarta ka dhigay barbarro 2-2 ah, taas oo keentay inay woxoogaa kacdo xaraaradda garoonka iyo ciyaartuba, waxaana halgan dib u gashay Red Devils oo qaybta labaad keentay laba gool.

Weeraryahanka reer Brazil ee Antony ee ku jiray abaarta daran ee goolal la’aanta xilli-ciyaareedkan ayaa dhaliyey goolka saddexaad ee Manchester United, halka goolka afraadna uu keenay weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund ee uu waqtigu ku adag yahay.

Manchester United ayaa sidaas ugu soo gudubtay wareegga shanaad ee FA Cup oo noqonaysa 16ka kooxood ee ugu dambeeya tartankan ee loollami doona illaa wareegga soo socda.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*