Arsenal Oo Laga Kaxaysanayo Mikel Arteta, Bruno Guimaraes Oo Ka Tegaya Premier League, Chelsea Oo Xaalku Ku Adag Yahay Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka mid noqday saddex tababare oo ay Barcelona doonayso inay midkood ku beddesho Xavi Hernandez oo ka tegaya dhamaadka xilli-ciyaareedka. Labada macallin ee kale ee ay doonayso Barca ayaa ah Jurgen Klopp oo Jimcihii shaaciyey inuu ka tegayo Liverpool iyo Julian Nagelsmann oo ah tababaraha xulka Germany. (Gerard Romero)

Mikel Arteta ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka tago Arsenal dhamaadka xilli-ciyaareedka, si uu u noqdo tababaraha Barcelona. Heshiiska Arteta ee Arsenal ayaa waxa dhamaadkiisa ka hadhsan 18 bilood. (Sport)

Paris Saint-Germain waxay kalsooni buuxda ku qabtaa inay la saxeexan doonto khadka dhexe ee Brazil iyo Newcastle ee Bruno Guimaraes xagaaga soo socda. (Mirror)

PSG iyo Newcastle waxay isku haystaan garabka weerarka AC Milan iyo xulka Portugal ee Rafael Leao. (Telegraph)

Brentford waxay heshiis la gaadhay garabka weerarka reer Norway ee Antonio Nusa oo ay £25 milyan oo Gini kaga soo qaadanayso Club Brugge. Waxay laacibkan ku garaacday Tottenham. (Standard)

Khadka dhexe ee Tottenham ee Pierre-Emile Hojbjerg oo 28 jir ah, waxa 8u iska diiday inuu tago kooxda horyaalka Faransiiska ee Lyon, laakiin wali waxa uu doonayaa inuu iskaga tago Spurs bishan January. (Sky Sports)

Liverpool waxay calaamadsatay Richard Hughes inay ka dhigato agaasimaheeda cusub ee farsamada ee beddelaya Jorg Schmadtke oo ka tegaya dhamaadka xilli-ciyaareedka. Rchard Hughes waa sirta ka dambaysa dhismaha Bournemouth oo xilli-ciyaareedkan horumar badan samaysay. (Mail)

AC Milan waxay la xidhiidhay Arsenal ooi ay ka doonayso difaaca reer Poland ee Jakub Kiwior oo kursiga kaydka uu ku illoobay Mikel Arteta. (Calciomercato)

Goolhayaha reer Spain ee David de ea ayaa wada-hadallo kula jira kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Shabab oo uu si xor ah ugu wareegi doono bishan January, kaddib lix bilood oo uu koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay Manchester United xagaagii. (Mail)

Weeraryahanka reer Canada ee Jonathan David ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ay doonayso Chelsea, waxaase shuruudo adag ku xidhaysa kooxda reer France ee Lille. (Telefoot)

Bayer Leverkusen waxay diiraddeedu saaran tahay weeraryahanka Crystal Palace ee Jean-Philippe Mateta oo qiimihiisa lagu sheegay £20 milyan oo Gini. (Sun)

Fulham ayaa la filayaa in ay dalabkii labaad ka gudbiso weeraryahanka Chelsea iyo xulka Albania ee Armando Broja, iyadoo markii hore gudbisay dalab amaah ahaa, balse hadda waxa ay ku daraysaa qodob waajib kaga dhigaya inay £25 milyan oo Gini ku iibsato xagaaga. (Teamtalk)

Sunderland ayaa wada-hadallo kula jirta Arsenal oo ay amaah kaga doonayso garabka weerarka England ee Charles Sangoe Jr oo ay da’diisu tahay 19 jir. (Football Transfers)

Chelsea ayay xaaladdu ku adag tahay, waxaanay ku qasban tahay inay ciyaartooyo iibiso ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, si ay u samayn karto saxeexyo cusub. Xiddigaha Blues ay lacagta ka samayn karayso waxa ka mid ah Conor Gallagher oo ay doonayso Tottenham. (Football Insider)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*