“Anigu Lama Yaabayo…” Ronaldo Nazario Oo Ka Hadlay In Kylian Mbappe Uu Kusii Jeedo Real Madrid


Halyeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa sheegay in aanay layaab ku noqon doonin haddii uu arko xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo xagaagan ku biiraya Real Madrid oo uu xidhanayo shaadhkeeda, halkaas oo sannadihii ugu dambeeyey si weyn loola xidhiidhinayay.

Ronaldo oo xulka Brazil u qaaday Koobkii Adduunka 2002, ayaa waxa uu waraysi siiyey telefishanka Faransiiska ee RMC Sports oo weydiiyey sida uu u arko in Kylian Mbappe uu ku biiro Real Madrid oo uu isaguna hore ugu soo ciyaaray isla markaana taageere u yahay.

Isaga oo ka jawaabaya su’aashan ayuu Ronaldo yidhi: “Madrid waxay mar walba haysataa ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunyada… waa falsafad ay soo ilaalinayeen sannado aad u badan, layaabna iguma aha inay doonayaan ciyaartoyda ugu wanaagsan kubadda cagta.”

Ronaldo oo 11kii bishan January la kulmay Mbappe oo ay wada-daawadeen ciyaar NBA ahayd oo ka dhacday magaalada Paris, ayaa sidoo kale farta ku fiiqay mustaqbalka xiddigan reer France oo ah ciyaartoyga loogu hadal-haynta badan yahay waqtigan, waxaanu yidhi: “Anigu ma ogi haddii uu tegayo Real Madrid, laakiin xaqiiqadu waxay tahay oo run ah inuu si fiican ugu hadlo luuqadda Spanish-ka.”

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska Kylian Mbappe ee PSG ayaa ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana uu xor u noqon doonaa inuu ka tago bisha dhamaadka bisha June, balse inta ka horreysa ayaa la filayaa in mustaqbalkiisu uu caddaado oo uu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa PSG amaba uu shaaciyo inuu tegayo Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*