HABAAR BAA KU DHACAY!! Harry Kane Oo Lagu Eedaynayo Inuu Inkaartii Koobab La’aanta Ula Yimid Bayern Munich


Bayern Munich ayaa toddobaadkan la kulantay guul-darro xanuun kulul, waxaana 1-0 ku garaacday Werder Bremen oo Axaddii kusoo booqatay Alianz Arena, taas oo keentay in ay toddoba dhibcood ka dambeeyaan kooxda la loodin la’yahay ee tababare Xabi Alonso ee Bayer Leverkusen.

Weeraryahanka Bayern Munich ee Harry Kane ayaa ay fartu ku godan tahay oo lagaga sheekaysanayaa baraha bulshada, maadaama laacibkan 22ka gool u dhaliyey oo xagaagii ay kasoo iibsadeen Tottenham uu ku sawiranyahay ‘laacib inkaar kaga dhacday koobabka’.

Tababare Thomas Tuchel ayaa isku beddelay Jose Mourinho markii ay kooxdiisu guul-darraysatay, waxaana uu canaan kala dul-dhacay ciyaartoydiisa oo uu warbaahinta u mariyey eedaymo culus, waana dhaqannadii lagu yaqaanay Jose Mourinho.

Inkasta oo 22 gool uu dhaliyey 24 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, kuwaas oo ay ku jireen saddex jeer oo min saddex gool ah, ayaa haddana waxa ay kooxdiisu ku dhibaatoonaysaa inay joogtayso natiijooyinka wanaagsan.

£100 milyan oo Gini oo ay Bayern Munich kaga soo iibsatay Tottenham xagaagii ayaa ay filaysay inuu ka caawin doonto inay markii 12aad oo xidhiidh ah ku guuleysan doonaan horyaalka Bundesliga, laakiin taageereyaasha qaarkood ayaa ka rajo dhigay arrintan, inkasta oo ay tahay waqti hore oo ay wax walba isbeddeli karayaan.

Baeyrn Munich waxa hore looga qaaday German Super Cup oo ay RB Leipzig ku garaacday finalkii, halka koobka German Cup ay ku hadheen wareeggii labaad oo ay kooxda heerka saddexaad ee FC Saarbruchen si bahdilaad ah uga cidhib-tirtay.

Tartanka Champioins League oo ay usoo gudbeen wareegga 16ka oo ay isku dhaceen Lazio iyo horyaalka Bundesliga oo ay toddoba dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen ayaa ah labada tartan ee kaliya ee ay ku jirto Munich, waxaana la canaanayaa Harry Kane oo ay jamaahiirta Munich ku tilmaamayaan ‘inuu ula yimid inkaartii iyo habaarkii ka haystay koobabka.”

Kane ayaa dhawr jeer oo uu finalka yimid lagu garaacay, waxaana ugu dambeeyey German Super Cup oo Bayer Munich uu joogay, halka Euro 2020 uu xulka Talyaanigu rikoodheyaal kaga qaaday Koobka oo lagu ciyaaray garoonka Wembley.

Sidoo kale, sannadkii 2019 ayaa finalka Champions League ay timid kooxdiisa Tottenham, waxaana 2-1 kaga badisay Liverpool oo koobka ka qaadday, iyadoo finalkii Carabao Cup ee 2014-15 oo uu ciyaaray isaga oo da’diisu yar tahay ay Chelsea ku karbaashtay 2-0.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*