Kooxaha Premier League Ee Ku Farxay Guul-darrooyinkii Ivory Coast Iyo Ghana Oo La Ogaaday


Ivory Coast waxa shalay wajiga lagaga dhuftay ukun/beed, waxaanay noqotay dalkii ugu horreeyey ee martigelinaya tartanka qaramada Afrika ee AFCON ee ku hadha wareegga koowaad ee hormooyinka muddo toban sannadood ah, waxaana sidoo kale raacay Ghana oo xalay iska lumisay fursad ay kusoo gudbi karaysay.

Equatorial Guinea ayaa iyadoo tobannaan kun oo taageereyaal reer Ivory Coast ah ku sugnaayeen garoonka, waxay 4-0 ku xasuuqday xulka Ivory Coast oo ka mid ahaa kuwa aadka loogu saadaalinayay inay ku guuleysanayaan sannadkan.

Sidoo kale, Ghana ayaa ciyaar ay 2-0 ku hoggaaminaysay muddo 90 daqiiqadood ah, waxay ogolaatay in dhawr daqiiqadood oo dheeraad ahaa ay Zimbabwe ka daba timaaddo oo labada goolba laga dhaliyo, taas oo fursad u noqotay Masar oo rajo la’aan ahayd, iyadoo sidaas ku hadhay Ghana.

Labada xul ee awoodda badan ee ka hadhay tartanka qaramada Afrika oo maraya wareegga koowaad ee group-yada, waxa ku farxay naadiyada horyaalka Premier League iyo kuwa kale ee Yurub ee ay ciyaartoydoodu ku jireen liiska xulalkan.

Ivory Coast oo laba jeer ku guuleysatay Koobka Qaramada Afrika, waxa inay hadhaan ku farxay laba kooxood oo horyaalka Premeir League oo mid ka mid ah ay saddex ciyaartoy kasoo qaateen, waana Nottingham Forest oo ay xaaladdu ku adag tahay oo haddana xulka Ivory Coast uu uga yeedhay Willy Boly, Serge Aurier iyo Ibrahim Sangara.

Labada ciyaartoy ee Aurier iyo Sangare waxa usbuucyadii u dambeeyey ay ku jireen kursiga kaydka, laakiin Boly ayaa ciyaartoy lama-taabtaan ah u noqday tababare Nuno Espirito Santo.

Sidoo kale, Brighton ayaa iyaduna ku faraxday in Ivory Coast ay soo hadho, sababtoo ah waxa durba dib ugu duulaya England laacibka kooxdooda ee Simon Adingra oo ah 22 jir shan gool u dhaliyey, saddex kalena ka caawiyey kulamadii Premier League ee uu xilli-ciyaareedkan u saftay Brighton.

Laba barbarro ah oo isku-xigay ayay Brighton gashay intii uu ka maqnaa Adingra, waxaanay Isniintii isla kufeen Wolves, taas oo muujinaysa sida ay ugu jabeen laacibkan.

Dhinaca kale, West Ham United ayaa dabbaal-deg la qariyey samaysay markii ay Ghana ka hadhay tartanka qaramada Afrika, sababtoo ah waxay dib u helayaan halbowlahooda Mohammed Kudus oo goolal badan u dhaliyey xilli-ciyaareedkan, iyagoo xagaagii kasoo iibsaday horyaalka Eredevise, halka Crystal Palace uu kusoo waajahan yahay Jordan Ayew iyo kooxda heerka labaad u dhacday ee Leicester City oo uu usoo laabanayo Abdul Fatawu oo isaguna ka tirsan xulka qaranka Ghana.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*