Scott McTominay Oo Daboolka Ka Qaaday LABADA Sharci Ee Aanu Erik Ten Hag Gorgortanka Ka Gelin


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Scott McTominay ayaa soo bandhigay laba arrimood oo uu Erik ten Hag ka dhigtay sharciyo aan la dhaafi karin, kuwaas oo aanu marnaba gorgortan ka gelin ama ka tanaasulin, si ay kooxdiisu u noqoto mid anshax leh oo dagaallami karta.

Ten Hag ayaa lagu yaqaannaa inuu ku adag yahay anshaxa, isaga oo tiro ciyaartooyo ah hore uga diray kooxda sida Cristiano Ronaldo iyo Jadon Sancho, sidoo kalena la sheegay in uu Anthony Martial ku amray inuu meel cidlo ah tababarka ku qaato.

Jadon Sancho oo bishii September ay isku dhaceen Erik ten Hag ayaa ku qasbay inuu raalligelin ka bixiyo hadalkii uu ku qoray baraha bulshada, markii uu laacibka reer England ku adkaystay in aanu raalligelinta bixinayna waxa uu muddo afar bilood ah dibedda ka joogay kooxda, halka ugu dambayntiina amaah loogu diray Borussia Dortmund.

Sida la sheegay, Ten Hag ayaa ciyaartoyda Manchester United kusoo rogay 83 qodob oo ah sharciyo anshax marin ah oo mid walba uu ciyaartoyda u diidayo inay waxyaabaha qaarkood sameeyaan, waxaana ku jira qodob ciyaartoyda ka mamnuucaya in aanay tilmaamo jidheed oo niyad-jab ah muujin karin, amaba ku murmi karin qolka labbiska gudihiisa.

Scott McTominay oo ka mid ah ciyaartoyda ugu fiicnayd Manchester United intii uu joogay Ten Hag, ayaa waxa uu sheegay in Erik ten Hag uu neceb yahay ciyaartoyda habsaanta, sidaas daraadeedna aanu wax tanaasul ama saayiraad ah u samaynin ciyaartoyga ka habsaama tababarka oo uu ciqaabo, sida ku dhacday Alejandro Garnacho iyo Marcus Rashford.

Arrinta labaad ee uu Ten Hag ku ad-adag yahay ayaa ah in ciyaartoydu ay kusoo labistaan dharka kooxda marka ay imanayaan garoonka tababarka amaba ciyaarta ka hor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*